4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Madaxweyne Xasan oo Sheegay in Shabaab la Jabiyay Dagaalkuna Soconayo


Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay shalay ayaa sheegay in awooddii ururka Al-shabaab la jabiyay, dagaallada socdana ay sii socon doonnaan illaa dalka oo dhan laga saarayo.

Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed weydiistay inay meel uga soo wada-jeestaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay inay kooxdani tahay cadowga keliya ee ay Soomaalidu leeyihiin.

“Al-shabaab maata awood ahaan iyo sirdoon ahaan waa la jabiyay, waxaana laga doonayaa shacabka Soomaaliyeed inay qaybtooda ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay xoogga saarayaan ka shaqeynta dowlad-wanaagga iyo horumarinta dalka, isagoo xusay in haddii ay jiraan khaladaadyo ka dhaca dowladda ay tahay in loo dulqaato.

“Hadda wixii ka dambeeya waxaan xoogga saaraynaa dowlad-wanaagga iyo horumarinta dalka, shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waa dhici kartaa inay khaladaadyo naga yimaadaan, balse waxaa loo baahan yahay in la isku dul-qato,” ayu hadalkiisa daba-dhigay madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in madaxda dalka ay mas’uuliyad ka saaran tahay in haddii uu khalad jiro ay saxaan, taasna ay tahay waajib dusha ay u riteen markii ay xilka qabanayeen.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in isaga iyo xubno dowladda ka tirsan ay si wanaagsan u soo guteen, ayna Alle ka baryeen inuu dalka ka dhigo nabad, dadka quluubtoodana isku soo duwo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo xubno dowladda ka tirsan ayaa ka mid ahaa xujeydii sannadkan gudanaysay Xajka, iyadoo saddex qof oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen xajkii sannadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya