4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Kenyatta oo Maanta hortagay Maxkamadda dambiyada Caalamka (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo hortaga maxkamadda ICC si uu u dhagysato dacwadaha dambiyo dhinaca bani’aadamnimada ah oo loo haysto.

Kenyatta ayaa intii uusan ka duulin Kenya, wuxuu xilka madaxweynimo uu ku wareejiyay ku xigeenkiisa, William Ruto oo xilka loo dhaariyay, isagoo ku sheegay xil-wareejintiisa KMG ah inay timid kaddib markii uu go’aansaday inuusan maxkamadda ICC hortegin isagoo matalaya shacabka Kenya.

Dacwada loo haysto Kenyatta ayaa ah shan dacwadood oo la xiriira gacantii uu ku lahaa rabshado dalkaas ka dhacay sannadihii 2007 iyo 2008, xilligaas oo lagu murmay doorashooyinkii madaxweynenimada ee dalkaas ka dhacay.

Bannaanka dhismaha maxkamadda ICC ee Hague ayaa waxaa soo buuxiyay dadweyne Kenyan ah oo aad u fara badan oo taageeraya Kenyatta, kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen; ‘Waxaa la joogaa xilligii ay shacabka Kenya u midoobi lahaayeen sidii ay u baari lahaayeen halka uu dalku marayo iyo halka uu madaxweynihii dalku joogo.

Madaxweynaha Kenya oo la hadlayay taageerayaashiisa ayaa u sheegay in shacabka Kenya ay yihiin kuwa go’aan ka gaari kara jihada uu dalkoodu u soconayo. Isagoo dadweynihii halkaas ku sugnaa u sheegay inuu halkan u yimid inuu dhageysto dacwooyinka loo haysto uuna dalkii dib ugu laabanayo kana shaqeyn doono horumarintiisa.

Haweeneyda dacwad-oogaha ka ah maxkamadda ICC, Fatou Bensounda ayaa sheegay in sagaal qof ay ka marag-kaceen inuu xiriir la leeyahay koox lagu magacaabo Mungiki, sidoo kalena uu ku lug lahaa rabshadihii ka dhacay magaalada Naivasha kaddib doorashadii sannadkii 2007-kii illaa 2008-kii.

“Xaqiiqo kasta oo ku saabsan dacwada oo lagu sheego taleefoon weli waa mid furan. Haddiise xukuumadda Kenya ay si dhab ah noola shaqeyn lahayd waa la heli karay wax walba oo dukumiinti ah,”ayay tiri Bensouda.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa ugu baaqday maxkamadda inay ka hadasho wada-shaqeyn la’aanta dowladda Kenya iyo maxkamadda, isla markaana la hubiyaan inaan la tuurin dukumiintiyada la xiriira dacwadahan.

Qareenka u doodaya dhibbanayaasha, Fargal Gaynor ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay qaateen go’aan ay ku doonayaan inay dacwadaha Uhuru Kenytta iyo William Ruto ku baabi’iyaan. Isagoo dalbaday in dacawaddan loo haysto Kenyatta cadaalad dhab ah la mariyo.

“Haddii dacwaddan la joojiyo, taasi waxay ku qasbaysaa dadkii dhibaatada loo geystay inay bixiyaan dhaqaale walba si ay cadaaladda u hortagaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Gaynor oo isweydiiyay su’aal ahayd. “Dadkii uu dhibku gaaray waxay xaq u leeyihiin in markhaatiga ay yimaadaan iyagoo aan wax baqdin ah qabin. Waxaase isweydiin leh waa maxay sababta loo cabsi-gelinayo?’.”

Gaynor ayaa ku dooday in kiiska taleefoon oo keliya lagu xalliyo inaysan ka dhigayn mid cadaalad ah, isagoo xusay in dukumiintiyada ay dacwaddan u yihiin halbowle, isagoo sheegay in lambarro la siin karo dad gaar ah si ay u beeniyaan eedeymaha.

Dhanka kale, qareenka difaacaya Kenyatta, Steven Kay ayaa isna sheegay inaysan jirin cid lambar la siiyay, taasina ay tahay mid meel ka dhac ah oo aan dhab ahayn.

“Innagu waan ogol nahay in markhaatiyaashu ay yimaadaan si ay u furaan markhaatigooda mana jirto cid aan u diidayno,” ayuu hadalkiisa ku daray qareenka difaacaya Kenyatta.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Uhuru ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay caalamka oo horyimaada maxkamadda dambiyada caalamka ee ICC, si uu u dhageysto dacwado la xiriira xuquuqda aadanaha ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya