4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo sheegay in la xiray Safaarado dhowr ah

/images/gallery/201473163542400908938773010304978_1444910565783140_5433306964170990930_n.jpgArbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Iyadoo xukuumadda Somalia ay horay u sheegtay in la yareynayo safaaradaha ay Somalia ku leedahay dalalka dibadda qaarkood, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Cabdiraxmaaan Ducaale Bayle uu maanta ka dhawaajiyay in la xiray safaarado dhowr ah oo ay ku lahayd Somalia dalalka caalamka qaarkood.

C/raxmaan Bayle ayaa xusay in golaha wasiirradu ay horay isugu raaceen in lasoo xiro sagaal safaaradood oo Somalia ay calaamka ku lahayd, safaaradaha sii shaqeynaya lagu soo koobo 31-safaaradood oo keliya, waana lasoo xiray intii la go’aamiyay in la xiro.

“Waxaan ku guuleysannay inaan soo xirno sagaal safaaradood oo ay Soomaaliya ku lahayd dalalka caalamka qaarkood, waxaase jira kuwo aan jadwalka noogu jirin, kuwaasoo ku yaalla dalalka: Australia, Azerbaijan, kuwaasoo ay ka shaqeeyaan qof-qof warqado haysta,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in safaaradaha soo haray ee sii shaqeyn doona lagu qaybsanayo habka awood-qaybsiga dalka, taasna ay heshiis lagu gaaray, lana waajin doono safaaradaha furnaanaya nidaamkaas.

Dalalka safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd lasoo xiray ayaa waxaa ka mid ah; Burundi oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya iyo Jarmalka oo Jaaliyad Soomaaliyeed oo ka cararay dagaalladii dalka ay ku nool yihiin.

Xiritaanka safaaradahan ayay wasaaradda arrimaha dibaddu sabab uga dhigtay inaysan dowladdu bixin karin kharashaadka faraha badan ee ku baxa adeegyada safaaradahaas iyo shaqaalaha ka shaqeeya.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa jiray dalal badan oo safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd ay iska sii shaqeynayeen xilli aanay dalka ka jirin wax dowlad ah.

Arrintan ku saabsan yareynta safaaradaha ay Somalia ku leedahay dalalka dunida qaarkood ayaa waxaa cabasho ka keenay Soomaalida dalalkaas ku nool, inkastoo dowladdu ay ku adkeysatay in dhaqaale yari awgeed aysan suuro-gal noqon karin inay sii shaqeeyaan safaaradahaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya