4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Iska-horimaad askar ka tirsan kuwa dowladda ku dhexmaray dekedda Muqdisho


Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad albaabka hore ee dekedda Muqdisho ku dhex-maray gellinkii dambe ee maanta cidiammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dagaalamay oo kala ahaa Nabadsugid iyo Booliiska ayaa waxaa la sheegay inuu dagaalkoodu ka dhashay muran lacageed oo soo dhexgalay labada ciidan, lamana sheegin wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray dagaalka.

Mid ka mid ah askarta ku geeriyooday dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa booliis uuna ka mid ahaa ciidamada ilaaliya albaabka dekedda, iyadoo markii dambe ay ku guuleysteen inay xabbadda joojiyaan saraakiisha hay’adaha amniga oo goobta gaaray.

Rasaasta ay ciidamadan is-weydaarsanayeen ayaa laga maqlayay inta badan degmooyinka Muqdisho, iyadoo dagaalku uu saameyn ku yeeshay howlihii ka socday dekedda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus ayna ciidamadu adeegsanayeen hub ay ku jiraan qoryaha ku rakiban gaadiidka dagaalka, iyadoo weli mararka qaarkood la maqlayo rasaas dhacaysa.

Iska-horimaadkan ayaa sababay inay gaadiidka dekedda ku jira uu soo bixi waayo kuwii u socday inay rar kazoo qaadaanna aysan geli karin, balse howlihii caadiga ahaa ee ka socday gudaha dekedda ayaa la sheegayaan inay sidoodii u socdaan.

Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa dhawaan lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, taasoo ku sameyn doonta howlaha dekedda horumarin, balse xoogsatada dekedda ayaa dhawaan ka cowday in shaqadii ay dekedda ka hayeen loo diiday.

Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay dowladda Somalia oo ku saabsan iska-horimaadka ku dhexmaray dekedda ciidamada dowladda iyo khasaarihii ka dhashay, iyadoo dagaalkani uu imaanayo xilli ay ciidamada dowladda iyo AMISOM deegaanno cusub kala wareegeen Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya