4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askar lagu helay dambiyo (VIDEO)

Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa maanta xukunno dil toogasho ah ku ridday laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay geysteen dil iyo kufsi.

Askarta dilka lagu xukumay ayaa ka kala tirsanaa ciidamada Nabadsugidda Qaranka iyo ciidamada deegaanka degmada Dayniile ayaa waxay kufsi iyo dil u kala geysteen, marxuum C/fitaax Jaamac Diiriye oo 25-sano jir ahaa iyo dhibbane Ifraax Axmed Cabdulle oo sagaal sano jir ahayd.

Xukunka labadan askari lagu riday ayaa waxaa ku dhawaaqay afhayeenka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida; C/llaahi Muuse Kayse oo sheegay in eedeysanayaasha lagu helay dambiyadii loo haystay.

“Maxkamadda ciidamadu markay dhageystay dambiyadii loo kala haystay, Maxamed Mahdi Diiriye oo 19-jir ah kana tirsan ciidamada Nabad-sugidda in uu dilay marxuum la oran jiray, C/fitaax Jaamac Diiriye oo 25-jir ahaa iyo Axmed Nuur Guure oo 21-jir ah loona haystay inuu kufsi u geystay gabar sagaal sano jir ahayd oo lagu magacaabo, Ifraax Axmed Cabdulle waxay ku xukuntay labadoodaba min dil toogasho,” ayuu yiri C/llaahi Keyse.

DAAWO VIDEO: SIDII UU XUKUNKA ASKARTAN U DHACAY:


Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay qirteen inay galeen dambiyadii loo haystay, sidoo kalena ay dambiyada loo haysto si cad uga caddeeyeen markhaatiyaashii maxkamadda la horkeenay.

Labadan askari ee dilka lagu xukumay oo ahaa dhallinyaro ayaa maxkmadda ku sugnaa markii xukunka lagu ridayay, waxaana afhayeenku uu sheegay in xukunkooda loo cuskaday sharciyada dalka u dagan iyo diinta Islaamka.

Afhayeenka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ma uusan sheegin in dambiilayaasha la xukumay ay rafcaan ka qaadan karaan xukunka lagu riday maanta iyo in kale.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay xukunno dil ah ku riddo askar ka tirsan ciidamada dowladda dambiyo kala duwan lagu soo eedeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya