4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Taliyaha Ciidamada Uganda ee AMISOM oo ka Warbixiyay Qabashadii Baraawe

Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM, Jen. Dick Olum ayaa sheegay in Al-shabaab aysan lahayn xeelado dagaal oo ay kaga hor-imaan karaan ciidamada huwata ah, balse ay garanayaan oo keliya sida qaraxyo iyo dilal la qorsheeyay loo fuliyo.

Jen. Dick Olum oo wareysi siinay VOA-da ayaa sheegay in qorshihii lagu qabtay degmada Baraawe uu muddo dheer soo socday, isla markaana uu ka mid yahay qorshayaasha howl-galka AMISOM ay Al-shabaab kaga saarayso dalka.

“Qorshihii lagu qabtay Baraawe muddo dheer ayaan ka shaqeynayay waana qorshe ka mid ah kuwa aan ugu talo-galnay inaan Soomaaliya ku xasilinno,” ayuu yiri Jen. Olum oo intaas ku daray. “Qorshaha xaslinta Somalia waxaa ka mid ah tababarro aan siinayno ciidamada Soomaaliya si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda.”

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in degmada Baraawe ay Al-shabaab u ahayd meeshii ugu dambeysay ee ay ku xoogganayd oo laga saaro, taasoo ay ka heli jireen dhaqaalaha ay ku dagaalamaan.

Jen. Olum oo ka jawaabayay su’aal ahayd inay la kulmeen iska caabin kaga imaanaysay Al-shabaab intii ay ku wajahnaayeen degmada Baraawe ayuu yiri. “Deegaanka Ambareeso oo 6-km u jira Baraawe ayay Al-shabaab difaac ka galeen, halkaas ayaana kula dagaallanay muddo kooban, ciidankeennana dhimasho iyo dhaawac ayaa kasoo gaartay, iyagana khasaare culus ayaa u geysannay.”

Taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga ayaa xusay in deegaanka Ambareeso ay marto waddo tagta Jilib, Sablaale iyo Baraawe, ayna halkaas u fariisteen maadaama ay marayaan markii ay doonayaan inay baxaan. Jen. Olum ayaa intaas ku daray in markii ay galayeen Baraawe ay isku dayeen Al-shabaab inay difaacdaan, balse ay ka hortageen.

“Al-shabaab ma lahan khibrad dagaal oo fog; goob walba oo iska-horimaad ka dhaco waa looga adkaadaa, waxayna gaareen meel aanay dib uga soo laaban karin,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Olum.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya oo dhan hadda ku sugan yihiin sida gobollada; Gedo, Jubbooyinka, labada Shabeelle, Hiiraan Galguduud, Bay iyo kuwo kale.

Jen. Olum aya la weydiiyay su’aal ahayd waxay ka yeelayaan jidgooyooyinka loo dhigto sahaydooda, ayaa sheegay inay taas xeelad u hayaan, isagoo u soo qaatay tusaale in ciidamadooda qabsaday Baraawe ay joogaa waddada isku xirta Muqdisho iyo degmada Baraawe oo 200-km u jirta caasimadda.

“Innagu meel sahayda u marinno AMISOM waan ilaashannaa, Ciidamadeenii qabtay Baraawe waxay ku sugan yihiin waddada illaa laga Muqdisho laga soo gaarayo. Waddooyinkana amni ayaa ka dhignay, wax dhibaato ahna kama jiraan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadalka taliyaha ciidamada lugta Uganda ee AMISOM ka tirsan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay la wareegeen maalin ka hor degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay lix sano ka talisay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya