4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Hay’adda HARO oo soo gunaanaday barnaamijkii hilbo qaybinta ee ciidul-Adxa


Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Hay’adda Humanitarian African Relief Organization ee loosoo gaabiyo HARO ayaa soo gunaanaday barnaamij ay ku qaybinaysay hilib intii lagu jiray ciiddul-adxa, iyadoo howshan ka fulisay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahaan xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha iyo dadka naafada ah.

Intii uu socday barnaamijkan udxiyada waxaa dusha ka eegayey mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda HARO qaybteeda Soomaaliya, iyadoo hilibka loo qaybiyay qoysas fara badan.

Mas’uuliyiin ka tirsan ha’yadda ayaa sheegay inay hilbaha oo ahaa ari ay u qaybiyeen barakacayaal iyo dad naafo ah oo aad u tabaaleysan, iyagoo ku daray intaas inay tani qayb ka tahay howlaha ay samafalka ah ee hay’addu kawaddo Somalia, gaar ahaan goobaha ay dhibaatooyinka bani’aadamnimo ka jiraan.

“Deeqdan waxay ka timid walaalaha ku nool Waqooyiga Ameerika, waxaana u qaybinnay dad barakacayaal iyo naafo isugu jira, dadkaasoo ku jira xeryo ku yaalla magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo,” ayuu yiri sarkaal u hadlay hay’adda HARO.

Barakacayaashii iyo naafadii loo qaybiyay hilibka ayaa aad uga mahadceliyay iyagoo dadkii soo dhiibay udxiyada ugu duceeyay in mid ka kheyr badan uu Ilaah ugu badelo. Iyagoo hay’adda ka codsadeen inay halkaas kasii wadaan taakuleynta dadka masaakiinta ah ee ku jira kaamamka barakacayaasha ee Soomaaliya ku yaalla.

Hay’adda HARO ayaa muddooyinkan dalka kawaday kaalmo ban’aadamnimo oo ay gaar-siinayeen shacabka Soomaaliyeed ee ay colaadaha iyo abaaruhu ku habsadeen, iyadoo hay’addu ay horay gargaarro noocan oo kale ah uga qaybisay qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya