4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Ruto oo loo dhaariyay Madaxweynaha Kenya iyo Kenyatta oo u dhoofay Hague


Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta u dhoofay Hague; isagoo hortegi doona maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC oo dhageysiga dacwaddiisa ay berri oo Arbaco ah ka billaaban doonto.

Xilka madaxweynaha dalka Kenya ayaa loo dhaariyay shalay ku xigeenkiisii William Ruto oo isaguna ay dacwadi kaga socoto maxkamadda ICC, iyadoo arrintan ay ka fajicisay shacabka Kenya ayna keentay in su’aalo badan la iska weydiiyo.

Kenyatta oo 8:00 aroornimo ee saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ayaa waxaa horay u sii raacay shan xubnood oo ay ka mid ahaayeen xaaskiisa, Margret Kenyatta iyo gabadhiisa Ngina Kenyatta.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Willy Mutunga ayaa si rasmi ah xilka madaxweynenimo ee Kenya ugu dhaariyay Ruto, iyadoo dunida aanay horay uga dhicin arrintan oo kale ayaa haddana Mutunga wuxuu sheegay in ay tahay mid lagu difaacayo madax-bannaanida Kenya.

Madaxweynaha Kenya, Kenyatta ayaa sheegay in go’aanka ah inuu xilkiisii ku wareejiyo ku xigeenkiisii loona dhaariyo aysan macnaheedu ahay inuu si rasmi ah xilka uga dagay, balse uusan doonayn inuu hortago maxkamadda ICC isagoo ah madaxweynaha Kenya, isla markaana matalaya 40-milyan oo qof oo Kenyan ah.

“Si loo ilaaliyo madaxbannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Kenya ayaan go’aansaday inaan xilka madaxweynenimo si KMG-nimo ah loogu dhaariyo William Ruto oo ah ku xigeenkayga, inta aan kasoo afjarayo dacwadda la iga taalla maxkamadda ICC,” ayuu Uhuru ku yiri qoraal uu u gudbiyay baarlamaanka dalkiisa.

Dhanka kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Kenya ayaa sheegay in madaxweynuhu uu weydiistay labada gole ee baarlamaanka Kenya inuu xilka si KMG ah ugu wareejinayo ku xigeenkiisa loona dhaariyo, waana taas midda keentay inaan xilka u dhaariyo Willam Ruto.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dhaarinta Ruto ay tahay mid ka horimaanaysa sharciga dalkaas, iyagoo xusay in xilka uu sii hayn lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Kenya, madaxweynuhu dibadda ku maqan yahay.

Si kastaba ha ahaatee; madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ninka loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee Kenya William Ruto ayaa waxaa ICC ka yaalla dacwado la xiriira kaalintii ay ku lahaayeen rabasho ka dhacay Kenya sannadihii 2007 illaa 2008, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof oo Kenya ah, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya