4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Mas’uul hay’adeed oo lagu xiray Baydhabo iyo Xaaladda Magaalada oo kacsan

Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Cali Maxamed Yuusuf (Cali Shukur) oo ah wakiilka Somalia ee hay’adda Peace and Development Research ayaa lagu xiray maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Mas’uulkan ayaa waxaa xiray taliyaha qaybta booliska gobolka Bay Col. Mahad C/raxmaan lamana oga sababta loo xiray, iyadoo lagu soo beegan xarigan xilli Baydhabo ay doorasho ka sameeyeen maamulka ka kooban lixda gobol ee Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, xaaladda Baydhabo ayaa maanta kacsan, iyadoo waddooyinka magaalada lagu arkayo ciidan kala taageersan labada maamul ee isku haya maamulka gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, iyadoo shacabku ay intooda badan ka hadlayaan sida ay xaaladdu noqon doonto loona wada-shaqeyn karo.

Dhanka kale, waxaa magaalada soo gaaray siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka socda gobollada Koonfureed ee dalka, iyadoo Maxamed Aadan Fargeeto uu sheegay in xubnahan ay u yimaadeen sidii ay u dhex-dhexaadin lahaayeen odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Koonfur-galbeed, kuwaasoo afkaaro kala duwan, kuwaasoo kala taageersan labada maamul ee gobolladaas isku haya.

Hiiraan Online, Baydhabo