4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Turkiga oo howlo horumarin ah ka qabtay Somalia tan iyo Markii ay yimaadeen


Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Burburkii dowladadii dhexe ee Somalia 1991-kii iyo raadadkii ay reebeen colaadihii dalka ka dhacay ayaa ah kuwii ugu saameynta xoogganaa ee soo mara Soomaaliya, iyadoo ay burbureen wax walba oo dalku uu lahaa.

Colaadihii dalka ka dhacay ayaa burbur ku reebay dhismayaasha iyo waddooyinka, gaara ahaan kuwa Muqdisho. Jahawareerka siyaasadeed ayaa dalka dhaxalsiiyay in caalamku uu ka jeesto.

Dad badani waxay rumeysan yihiin haddii Turkigu aanay Soomaaliya u soo gurman lahayn sannadkii 2011-kii xaaladdu waxay noqon lahayd mid intaan ka culus, iyadoo dadku ay qabaan in dalal badan oo ka mid ah kuwii ay sida Soomaaliya oo kale ka dhaceen dagaallada ay badbaadiyeen dalal gurmad u fidiyay.

Haddaba, dowladda iyo shacabka Turkiga ayaa noqoday kuwo fiirsan waayay xaaladdii dhibaatada badnayd ee Soomaaliya ka taagnayd xilligii ugu xumaa oo ahayd sannadkii 2011-kii oo ay abaaro macluul reebay ku habsadeen inta badan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Turkigu waxay qaateen go’aan aad u adag oo kusoo aaday xili aad loogu baahnaa, xilligaa oo kummanaan Soomaali ahi gaajo iyo haraad u dhinteen, malaayiin kale ay la il-daran yihiin; halka caalamka intiisa kale ay indhaha ka daawanayeen dhibaatadii haysatay shacabka Soomaaliyeed.

Bishii Ogoosto sannadkii 2011-kii, xilli lagu jiray bishii Ramadaan ayaa si lama filaan ah waxaa booqasho ugu yimid Muqdisho ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan haatanna ah madaxweynaha dalkaas, iyadoo ay wehliyeen xubno qoyskiisa iyo xukuumaddiisa ka tirsan.

Imaatinka Soomaaliya xilligaas ma ahayn mid fudud, iyadoo go’aankii uu ku yimid Erdoğan uu ahaa mid uu isagu qaatay, isagoo tagay xeryihii Muqdisho oo ay ku jireen dadkii abaaraha macluusha watay kasoo cararay, waxayna isaga iyo wafdigiisu ay galeen buushashkii ay ku jireen barakacaal aad u il-daranaa, taasoo markii caalamka laga arkay sababta in caalamku indhaha u soo jeediyo xaaladdii murugada badnayd ee Soomaaliya ka taagnayd.

Erdoğan wuxuu amar ku siiyay ha’yadaha Turkiga inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo gargaarkaas uu ahaa kii ugu tayada wanaagsanaa ee Soomaaliya la keeno tan iyo markii uu burburku ka dhacay, waxaana sidoo kale barakacayaasha la siinayay lacago caddaan ah oo ay wixii ay doonaan ku iibsadaan.

Markii la dhimay khatartii macluusha uuna soo xirnay gargaarkii aadanaha ee Turkigu uu howlihiiisa ku billaabay ayay mar kale go’aansadeen inay ka billaabaan dalka dib u dhis, iyagoo dhisay xarumo waaweyn oo Isbitaalkii hore ee Digfeer uu ka mid yahay, sidoo kale waxay dhiseen waddooyinkii burbursanaa, iyagoo dhanka kalena dhisay xeryo lagu xannaaneeyo ilmaha agoonta ah.

Howlaha Turkiga ee Soomaaliya intaa kuma sinnay, balse waxay xoogga saareen sidii ay ardayda Soomaaliyeed waxbarashadooda sare ugu qaadi lahaayeen, taasoo qayb ka ahayd howlaha ay u yimaadeen Soomaaliya, waxayna dalkooda u qaadeen arday fara badan si ay waxbarasho jaamacadeed ugu soo qaataan.

Xiriirka Turkigu iyo Somalia ayaa lagu tilmaamay mid horseed u noqday in madax badan oo caalamka ah ay Soomaaliya yimaadaan, safaarado ka furtaan, ayna ku tilmaamaan Soomaaliya mid ka baxay dhibaatadii ay xilliga dheer kusoo jirtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya