4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Siilaanyo oo xubno noqon doona gudiga doorashooyinka u gudbiyay wakiilada

Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa golaha Wakiiladda usoo gudbiyey lix xubnood oo loo soo xulay inay noqdaan guddida doorashooyinka Somaliland oo bedeli doonna guddidii hore ee mudadooddu dhamaatay.

Lixdan xubnood  oo ka mid ah toddobadda xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka ka kooban yaha ayaa xubintii xisbiga wadani soo xushay madaxweynuhu dib ugu celiyey isago sheegay in aanu buuxin shuruudihii laga rabay.

Lixdan xubnood ee madaxweynuhu  gudbiyey golaha wakiilada si ay u ansixiyaan ayaa ay soo kala xuleen laba guurtidda keentay, xubina xisbiga UCID iyo saddex xubnood oo uu madaxweynuhu keenay, haseyeeshee waxa guddida ka dhiman xubintii xisbiga WADANI oo dib loogu soo celiyey.

“Shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland ugu gudbiyay xubnaha doorashooyinka Qaranka noqon doona ee buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, kuwaasi oo ka kooban lix xubnood oo cusub bedelna u noqon doona Xubnihii hore komishinka Doorashooyinka Qaranka ee wakhtigoodu dhamaaday”ayaa lagu yidhi qoraalka madaxweynuhu u gudbiyey golaha Wakiiladda.

“Sida aad la socotaan, waxa dhammaad ku dhaw muddo xileedka Guddida Dorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aan beddelkoodii idiin soo gudbiyo.

Haddaba, waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa Lix (6) Xubnood oo ka mid noqon doona xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbiyeen dhinacyadii uu sharcigu awoodda u siiyey soo xulidda saamiga kaga beegan si waafaqsan hab-raaca ku qeexan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer No.20/2001, Qodobkiisa 11, Faqraddiisa 2aad.”ayuu madaxweynuhu raaciyey qoraalkaasi.

Magacyada Xubnaha cusub ee buuxiyey shuruudihii xubinnimo ee looga baahnaa sida uu dhigayo Xeerka Doorashoyinka Xeer No.20/2001 Qodobkiisa 12 waxay kala yihiin:-

Xubnaha Madaxweynuhu soo Xulay:

1.     Mudane, Maxamed Jaamac Maxamed.
2.     Mudane, Maxamuud Jaamac Wacays.
3.     Marwo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Labada Xubood ee Golaha Guurtida:

1.     Mudane, Siciid Cali Muuse .
2.     Mudane, Cabdi-qaadir Iimaan Warsame.

Xubinta Xisbi UCID:

1.     Mudane, Cabdi-fataax Ibraahim Xassan.

Lixdan xubnood waxa ka muuqda wariye ruug cadaaya oo in badan ka soo shaqeeyey warbaahinta caalamiga ah ee BBC-da  Siciid Cali Muuse oo  bulshadda soomaaliddu aad u taqaan oo mudooyinkii dambe la shaqaynayey wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland., waxa kale oo ku jira xubin haweenay ah oo ka mid ahayd ururadda bulshadda, isla markaana ururka haweenka ee NAGAAD in badan ka shaqaynaysay oo la yidhaa Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, haseyeeshee waxa xubnahan ku jirin xubintii xisbiga WADANI usoo xulay gudida doorashooyinka, taas oo madaxweynuhu dib ugu soo celiyey usoo bedelaan,balse illaa hadda kama hadal xisbiga mucaaradka ah ee WADANI.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland