4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka digay Colaada ka taagan deegaanka Deefoow

Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta digniin ka soo saaray dagaallada iska soo daba-noqday ee  marar badan oo hore ka dhacay deegaanka Deefoow 35-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in sidda ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan dagaallada, wixii khilaaf ah ee jirana laga wadda hadllo.

“Mas’uuliyad ayaa naga saaran ilaalinta ammniga dadka shacabka ah, uma dul-qaadan doonnoo in mar kale lagu dul-dagaalamo dadka rayidka ah, waxaan leenahay hala joojiyo dagaallka, maamulka tallaabada ku haboon ayuu qaadi doonaa haddii aan loo hogaasamin baaq nabadeed ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay dagaallada marar badan ku soo noq-noqday deegaanka Deefoow mid ay hurinayaan sidda uu hadalka u dhigay Al-shabaab oo sidda uu sheegay ka leh danno gaar ah.

“Annaga ka maamul ahaan waxaa rumeysannahay in dagaalka Deefoow Al-shabaab ka danbeeyaan, iyaga oo leh ujeedooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay in dagaallka ku socda ay u weeciyaan dhinaca kale,’’ ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka Deefoow ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad shan ruux halka tiro ka badan 20 kalena ku dhaawacmeen, waxaana wali jira xiisado colaadeed oo u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed.

Khillaafka labada beellood ayaa salka ku haya dhul-beereedyo ku yaalla deegaanka oo dhinac walba uu gaar u sheeganayo, waxaana marar badanoo hore lagu guul-dareystay waan waan la doonayay in lagu dhameeyo colaada labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya