4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Kenya oo sheegtay inay ciidamadeedu ku dileen Somalia xubno Al-shabaab ah

Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Kenya ayaa sheegtay inay 22 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ciidamadooda ka tirsan AMISOM ku dileen gobolka Jubbada Hoose, sida ay qortay wakaaladda wararka China ee Xinhua.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya oo lagu magacaabo, David Obonyo ayaa sheegay in ciidamada iyo kuwa maamulka Jubba ay Al-shabaab ka saareen deegaanka Buulo-guduud oo 30-km waqooyi kaga beegan Kismaayo, ayna xubnaha ka tirsan Al-shabaab ku dileen halkaas.

Xukuumadda Kenya ayaa rumeysan in deegaanka Buulo-guduuud ay ahayd meelaha laga soo qorsheyn jiray weeraradii ay Al-shabaab ku qaadi jirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

“Iska-horimaadyo kooban oo ka dhacay deegaanka Buulo-guduud, waxaa dhankeenna uga dhaawacmay afar askari oo ay saddex ka mid ah yihiin Soomaali iyo askar Kenyan ah,” ayuu yiri David Obonyo.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa dhankooda shalay u sheegay saxaafadda inaysan jirin wax iska-horimaadyo ah oo dhacay markii ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegayeen deegaanka Buulo-guduud.

Qabashada deegaanka Buulo-guduud oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa imaanaysa xilli ciidamada dowladda Soomaaliy iyo kuwa MISOM ay ku sii siqayaan goobo ay horay uga talin jirtay Al-shabaab, kuwo kalena ay ka qabsadeen.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay maalin ka hor inay gobollada Jubbooyinka ka billaabayaan howlgallo ay kaga saarayaan Al-shabaab, iyadoo weli ay Al-shabaab ka taliso deegaanno ay ka mid yihiin; Jilib, Jamaame, Bu’aale iyo kuwo kale oo ka tirsan Jubbooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya