4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Roobab khasaare dhaliyay oo ka da’ay gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland

Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Roobabkii dayrta oo ka curtay qaybo ka mid ah Puntland ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay si is-daba joog ah uga da’ayay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ,xilli abaaran daran ay ka jirtay qaybo kamid ah gobolka.

Waxaa la arkayay dadweyne fara badan oo ka dhaan-sanaya haraha uu roobka biya dhigay ,iyada oo qaar kamid ah madaxda Kar-kaar ay booqdeen buundoyinka iyo togogga ku yaalla daafaha magaalada si xaaladda loo soo qiimeeyo.

Guddoomiyaha gobolka Kar-kaar C/Quran Maxamed Aadan ayaa shacabka Qardho ugu hambalyeeyay roobkan ,waxaana uu sheegay in roob-doonno kala duwan horey looga sameeyay gobolka Karkaar.

Dhinaca kale, roobabkan ayaa khasaare lixaad leh gaarsiiyay wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Bosaaso iyo Qardho ,waxaana maamulka degmada uu hay’adaha ka codsaday in la dayactiro si dib loogu isticmaalo.

Waxaa kaloo la sheegay in waxyeello kale ay gaartay xabsiga degmada Qardho oo ay ku xiran-yihiin maxaabiisa tiro ah ,waxaana uu gudoomiyaha sheegay in qaybo kamid ah xabsiga uu gaaray bur-bur xoogan intii ay roobabkan socdeen.

Ugu danbayn, qaar kamid ah culumaa’udiinka Puntland ayaa ku tilmaamay roobabka raxmad Eebe, isla markaana bulshada kacodsaday inay ka mahad-celiyaan nimacaddan intii dhibaatooyin laga sheegan lahaa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]