4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2014
Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo soo dhaweeyay Qabsashadii Baraawe

Talaado, Oktoobar 07, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay qabsashadii degmada Baraawe oo ay muddo lix sannadood ah ka talinaysay Al-shabaab, una ahayd xaruntooda ugu weyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Degmada Baraawe oo 200-km Koonfur kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda iyo AMISOM si rasmi ah ula wareegeen Axaddii aynu soo dhaafnay, kaddib markii ay ka baxeen xoogaggii gacanta ku hayay.

“Gacan-ku-dhisigta degmada Baraawe waa tallaabo dhinaca nabadda iyo deggenaashaha dalka loo qaaday, waxaana ugu baaqayaa xoogagga weli dagaalka ku jira ee Al-shabaab inay hubka dhigaan,” ayuu ergayga UN-ka ee Somalia, Nicholas Kay ku yiri war-saxaafadeed uu Muqdisho kasoo saaray.

Sidoo kale, danjire Kay ayaa sheegay in Al-shabaab ay ogaadaan inaysan sii wadi karin dagaalka, loona baahan yahay inay hubka dhigaan oo ay qayb ka qaataan qorshaha dib-u-dhiska Soomaaliya iyo nabadeyntooda.

Dhanka kale, wakiilka Mareykanka ee arrimaha Somalia, James P. McAnulty ayaa isaguna qabsashada Baraawe ku tilmaamay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay, isagoo hambalyo u diray ciidamada dowladda iyo kuwa ay garabka ka helayaan ee AMISOM.

“Qasashadii degmooyinka Baraawe iyo Cadale oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada dhexe waa guulo lagu aammaani karo dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri James P. McAnulty.

Wakiilka ayaa hadalkiisa raaciyay in dowladda Mareykanku sii wadi doonto taageerada ay siinayso xukuumadda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo dowladda ka taageeraya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Midowga Yurub ayaa guulo waaaweyn ku tilmaamay howlgalladii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga qabsadeen Al-sjhabaab deegaanno ka tirsan gobollada waqooyiga iyo koonfurta ka xiga magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya