4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Dilaagii cafiska weydiistay Danjiraha (QISO DHAB AH)

Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Safiirka Soomaaliya ee Kenya
Isniin, October 6, 2014(HOL)—Haddii koox burcad ah ay gurigaaga u soo dhacaan xilli habeen ah, ay kaa dhacaan hanti, ayna dilaan ubadkaaga oo jira kaliya 14 bilood, isla markaana uu 22 sano kaddib kaa horyimaado mid ka mid ah dadkii dhibkaas kuu geystay oo cafisna ku weydiisto, maxaad sammeyn lahayd. Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayay dhacdadaas ku dhacday sanadkii 1992-kii.

 

Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa qiso xanuun badan oo qoyskiisa ku saabsan wuxuu uga warramay TV-ga KTN ee xaruntiisu tahay magaalada Nairobi, wuxuuna dhacdadaas uga sheekeeyay sidan: 

 

“Waxay ahayd sanadkii 1992-kii, aniga iyo familkeyga waxaan deganeyd gurigeena ku yaalla degmada C/Casiis, halkaasi annaga oo joogna xilli habeen ah ayaa waxaa na soo weeraray koox burcad ah oo doonayay in ay naga bililiqeystaan hanti wixii aan heysannay, laakin hanti kaliya kuma weynin weerarkaas, waxaana ku geeriyootay gabadheyda Yaasmiin Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo jirtay 14 bilood. Habeenkaas dhibkii na gaaray weli waan xusuustaa, niyaddeydana kama go’in, runtiina waalidka wuxuu rajeeyaa in ay ubadkiisa aasaan ee ma rajeeyo in uu isagu aaso ubadkiisa, laakin gacanteyda ayaan ku aasay gabadheyda iyadoo gacmaheygu gariirayaan xanuunka dhacadadaas aawgeed.

 

22 sano kaddib dhacdadaas xanuunka badneyd, aniga iyo asxaab kale oo hawo ku qaadaneyna Xeebta Liido oo fadhina Baar halkaas ku yaalla ayaa waxaa noo yimid nin, kaasi oo I weydiiyay “Danjire Maxamed Cali Ameeriko adiga miyaa”.Dhaqsi uguma jawaabi karin waayo ma ogeyn cid uu ahaa. Muddo kaddib ayaan ku iri “Waan aniga”, markaas ayuu naga codsaday in uu nala soo fariisto, waana ka aqbalnay.

 

Ninkani wuxuu ii sheegay in uu ka mid ahaa raggii gurigeena soo weeraray ee hantida naga dhacay, gabadheydiina dilay. Wuxuu intaas iigu daray in raggii weerarkaas kula jiray labo ka mid ah la dilay, labo kalena la la’ yahay, halka isagu uu mudadaas 22-ka sano ah uu ku maqnaa dalka Sacuudiga oo uu ku aaday 12 Milyan oo Shillin Soomaali ah oo ka mid ahayd lacag habeenkaas weerarka ay nooga dhaceen.

 

Wuxuu ii sheegay in markii uu Sacuudiga tegay dhowr jeer la xiray, shaqo iyo wax horumar ahna uu gaari waayay, markii uu dadka la tashadayna loo sheegay in uu cafis weydiisto dadkii uu dhibka u geystay, kaddibna  uu sidaas iigu yimid. Runtii cafiskaas ayuu I weydiistay, waxayna igu qaadatay qadar daqiiqado ah in aan jawaab siiyo waayo waxaan dib u gucday dhibaato xanuun badan oo isoo gaartay 22 sano ka hor, tiiyoo weliba uu isoo horfariistay qof ka mid ah dadkii dhibaatada ii geystay. Ugu dambeyntii waxaan ku dhahay waan ku cafiyay, waxaanse intaas ugu daray in uu Allaah SWT cafis weydiisto maadaama aan aniga kaliya ka cafiyay wixii uu u geystay reer Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

 

Danjire Maxamed Cali Nuur  Ameeriko wuxuu soo qaatay dhacdo kale oo iscafin ah, taasi oo dhacday kaddib markii uu isagu billaabay cafinta, wuxuuna ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed ee wax kala gaareen in ay iska cafiyaan wixii ay isu geysteen, si  buu yiri looga baxo dhibaatada mudada dheer ka jirta Soomaaliya".


 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]