4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Ergeyga EU u Qaabilsan Soomaalia oo Garoowe kula kulmay madaxa Puntland
Isniin, Oktoobar 06, 2014 (HOL) —Magaalada Garoowe waxaa maanta soo gaaray wafdi uu horkacayey Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.

Cervone iyo wafdigiisa oo si diirran Garoowe loogu soo dhoweeyey, waxay xarunta madaxtooyada kulan kula qaateen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Kulanka oo arrimo dhowr ah diiradda lagu saaray, waxaa markii uu soo gaba gaboobay si wadajir ah war-fidiyeenka ula hadlay Madaxweyne Gaas iyo Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.

Madaxweyne Gaas oo hadalka ku horreeyey ayaa sheegay in arrimo badan laga wada hadlay, haseyeeshee kulanka intiisa badan lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhan iyo weliba sidii Midowga Yurub u kordhin lahaa taageerada uu siiyo Puntland.

Michele Cervone ayaa isna dhankiisa sheegay in Midowga Yurub ay ka go'an tahay horumarinta Soomaaliya oo ah dal muddo badan dagaalo sokeeye ka jireen, gaar ahaan Puntland oo kamid ah meelaha ugu nabdoon Soomaaliya horumar badanna ku tallaabsatay mudadii 16-ka sano ahayd ee ay jirtey.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidan oo kale maalinimadii shalay xarunta madaxtooyada ugu qaabilay wafdi ka socdey dalka Sweden, gaar ahaan maamulka magaalada Guthenburg.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya