4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Xukuumadda oo ka Hadashay Qabsashadii Magaalada Baraawe (DHAGEYSO)


Isniin, Oktoobar 06, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed oo ka hadlay qabsashadii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee degmada Baraawe oo muddo sannado ah ay Al-shabaab ka talinaysay, isagoo sheegay in tani ay fure u noqonayso dhammaadka Al-shabaab.

Shir jaraa’id oo wadajir ay u qabteen; ra’iisul wasaaraha, wasiirro ay ka mid yihiin; wasiirka arrimaha gudaha, gaashaandhigga, amniga Qaranka iyo taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya sida xoogga dalka iyo nabad-sugidda ayay sheegeen in degmada Baraawe oo ay qabsadeen ciidamada dowladda xarun weyna u ahayd Al-shabaab ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

HALKAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO SHIRKA JARAA'ID:

animated-loudspeaker-image-0069

“Ciidamadeenna geesiyada ah iyo kuwa AMISOM waxay la wareegeen degmada Baraawe oo ahayd xaruntii ugu weynayd ee Al-shabaab. Dadka reer Baraawe oo ah kuwo nabadda jecel aad ayay u soo dhaweeyeen in laga dul-qaaday caburintii ay ku hayeen Al-shabaab. Howlgalladu waa kuwa socon doona ilaa Somalia oo dhan laga ciribtiro argagixisada,” ayuu yiri C/weli Sheekh, isagoo hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaa ku daray. "Howlgallada socda ujeedkoodu waa in xididdada loo siibo Al-shabaab; sababtoo ah waxay khatar ku hayaan dadka ku nool deegaannada ay gacanta ku hayaan, waxaan mar labaad ugu baaqayaa dhallinyarada ay qaldeen argagixisadu in 45-tii cisho ee dowladdu u qabatay weli aysan dhammaan, kuwa weli dagaalamaya waxaan mar kale ugu baaqayaa inay fursadaas ka faa’iidaystaan."

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/laahi Goodax Barre oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in la isku furi doona waddooyinka gobollada laga qabsaday Al-shabaab, dhawaanna la geyn doono kaalmo deg-deg ah iyo ciidammo isugu jira booliis iyo nabad-sugid si amniga loo xaqiijiyo.

Taliyaha ciidamadda xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo ka su’aalo ay weydiiyeen war-fidiyeenka ka jawaabayay ayaa isna tilmaamay in Al-shabaab aysan u baabac-dhigi karin ciidamada xoogga Soomaaliya, isla markaana ay maciin bideen inay ku dhuumaalaystaan goobaha magaalooyinka ka fog.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya