4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Adeegsiga hubka sharci-darrada ah oo laga Mamnuucay Magaalada Gaalkacyo
Isniin, Oktoobar 06, 2014 (HOL) —Ka ganacsiga iyo adeegsiga hubka sharci darrada ah ayaa laga mamnuucay gobollada Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Cabdullaahi Shire Dool oo maanta shir-saxaafadeed Gaalkacayo ku qabtay ayaa amarkan shaaciyey isagoo sheegay inuu daba socdo digreeto dhowaan kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Taliye Dool wuxuu sidoo kale sheegay in aan la ogolaan doonin ciidamadu inay hub magaalooyinka ku dhex qaataan iyagoo aan wax hawlgal ah ku jirin, askarigii lagu helo isagoo hub magaalada iskala dhex marayana ciqaab adag la marsiin donoo.

Dadka rayidka ah ee doonaya inay hubka si gaar ah u adeegsadaan wuxuu taliyuhu u sheegay inay iska diiwaan geliyaan wasaaradda amniga Puntland oo iyadu bixisa ruqsadda haysashada hubka.

Magaalada Gaalkacayo waxay kamid tahay magaalooyinka Puntland ee dadku sida aadka ah u hubeysan yihiin, waxaana lagu qiyaasaa in shantii guriba labo kamid ah laga helayo hub ama rasaas.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa afar todobaad kahor mamnuucay ka gacansiga iyo haysashada hubka sharci darrada ah, si loo yareeyo khatarta dhanka amaanka ah ee ka iman karta.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya