4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Ciidanka Maamulka Jubba iyo AMISOM oo Qabsaday deegaanka Buulo-Guduud

Isniin, Oktoobar 06, 2014 (HOL) — Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo saaka howlgalladii ugu horreeyay oo qayb ka ah howlgallada ka socda gobollada dalka ka billlaabay gobollada Jubbooyinka ayaa kula wareegay Buulo-guduud oo 30-km Waqooyi kaga beegan degmada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Buulo-guduud ayaa waxaa horay uga talinaysay Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay ciiadmadan oo wata taangiyo iyo gaadiidka kale ee dagaalka ay sii mareen deegaanka Yoontooy oo dhowr iyo labaatan kiiloo-mitir iyaduna Waqooyi-kaga beegan Kismaayo, mana jirin wax iska caabin oo ay ciidamadan kala kulmeen xoogagga Al-shabaab.

“Hadda ayay ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM galeen Buulo-guduud oo ka mid ah deegaannadii ay kooxaha nabaddiidka ahi gacanta ku hayeen, mana jirin wax iska-caabin ah oo aan la kulannay,” ayuu yiri mar uu HOL la hadlayay afhayeenka maamulka Jubba, C/naasir Seeraar oo la scoda ciidamada huwanta ah ee duullaanka qaaday.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa intaas ku daray in qorshahoodu yahay inay goobo ka mid ah gobollada Jubbooyinka ay isla maanta gaaraan, balse ma sheegin goobaha ay sida tooska ah ugu wajahan yihiin.

Warar hoose oo la helayo ayaa iyaguna sheegaya in intii ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ay kusii jireen waddada u dhexeysa Kismaayo iyo Buulo-guduud ay qaraxyo dhaceen, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay deegaanada Yoontooy iyo Buulo-gaduud ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca degmada Jamaame oo gobolka Jubbada hoose ka tirsan.

Howlgalladan maanta ka billowday gobolka Jubbada Hoose ayaa imaanaya xilli uu shalay madaxweynaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe uu sheegay inay muddo 48-ka saacadood ee soo socda ay howlgallo ka billaabi doonaan gobollada Jubbooyinka.

“Jubbooyinka howlgallo aan kaga sifeynayno Al-shabaab ayaan qaadaynaa 48-ka saac ee soo socda, howlgalladaasun waxay qayb ka yihiin kuwa ka socda goobollada dalka, mana joogsanayaan illaa aan Al-shabaab ka bixinno gobollada Jubbooyinka oo dhan,” ayuu ku yiri Sheekh Axmed Madoobe shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, magaalada Kismaayo ayaa si aad ah looga dareemayaa howlgallada saaka ka billowday deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ciidammo Soomaali ah oo aad u fara bada oo ku socda deegaannada la qabsaday ay ka baxayaan magaalada.

Qabsashada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen Buulo-guduud iyo Yoontooy ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM shalay kala wareegeen Al-shabaab magaalada dekedda leh ee Baraawe, halkaasoo saldhig weyn u ahayd Al-shabaab.

Wixii kazoo kordha howlgallada saaka ka billowday Jubbada Hoose waxaad kula socon doontaa haddii ALLE idmo wararka soo socoda ee Hiiraan Online (HOL).

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya