4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga oo Boqolaal Shacab ah kula hadlay Baraawe

Isniin, Oktoobar 06, 2014 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa saaka gudaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose kula hadlay boqolaal ka mid ah shacabka degmadaas.

Jen. C/risaaq ayaa shacabka u sheegay in ciidamada dowladdu ay halkan u yimaadeen sidii ay shacabka degmadaas uga dul-qaadi lahaayeen wuxuu ugu yeeray cadow muddo sannado ah haystay, haatanna uu ku faraxsan yahay inay ku guuleysteen rajadoodii ahayd inay Baraawe gacanta ku dhigaan.

“Shacabka degmada Baraawe waxaan weydiisanaynaa inay ciidamada kala shaqeeyaan sugidda amniga. Ciidamadu waxay halkaan u yimaadeen sidii ay idiinka cadowga idin kaga dulqaadi lahaayeen, Allena waa noo suuro-geliyay maanta,” ayuu yiri Jen. C/risaaq.

Abaanduulaha ayaa waalidiinta degmada Baraawe ka dalbaday in haddii ay jiraan carruur ay dhaleen oo Al-shabaab ka tirsan ay kala soo baxaan, ayna diyaar u yihiin inay u sameeyaan dhaqan-celin, aysanna jirin wax dhibaato ah oo loo geysanayo.

“Waxaan idiin sidaa salaam idin kaga timid madaxda dalka oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horreeyo, waxaana idiin ballanqaadaynaa in ciddii idiin geysata dhibaato aan sharciga la tiigsan doonno,” ayuu abaanduuluhu ku yiri khudbad uu u jeediyay shacabka degmada Baraawe.

Dhanka kale, abaanduulaha ayaa xusay in askarigii lagu helo inuu dhibaato u geystay dadka shacabka ah lasoo taagi doono maxkamad ciqaab adagna la marsiin doono, wuxuuna shacabka ka dalbaday inay saraakiisha ciidamada kusoo wargeliyaan askarigii ama ciddii kale ee dhibaato u geysatay.

Shacabkii uu la hadlayay abaanduulaha ayaa soo dhaweeyay hadalkii uu fagaaraha Baraawe ka jeediyay, waxaana goobta ku sugnaa qaar ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamad dowladda iyo AMISOM ee la wareegay degmadaas, guddoomiyaha gobolka iyo xubno kale.

Intaas kaddib guddoomiyaha Shabeellada Hoose ayaa goobta ku xiirtay timaha oo muddo aanu jarin, isagoo goobta ka sheegay in billooyin ka hor uu ballan ku qaaday inuusan tintiisa xiiri doono illaa uu ka tago degmada Baraawe, uuna ku faraxsan yahay inuu hortooda tinta ku xiirto, iyadoo uu u xiiray taliyaha ciidamada AMISOM.

Degmada Baraawe oo 200-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa waxaa lixdii sano ee lasoo dhaafay ka talinaysay Al-shabaab, iyadoo shalay oo Axad ahayd ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si toos ah ugala wareegeen Al-shabaab oo muhiimad gaar ah ay u lahayd degmadan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya