4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo udxiyo u qaybisay qoysas Soomaaliyeed


Isniin, Oktoobar 06, 2014 (HOL) — Hay’adda bisha cas ee isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa u qeybisay hilibka udxiyada ee sannadkan 2014 -ka in ka badan 2,000 oo qoys oo ku nool kamamka ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xoolaha ay gowracday Bisha Case ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxay ahaayeen lo’ iyadoo mas’uuliyiinta ururkan ay hilibka u qaybinayeen barakacayaasha ku nool xeryaha ku yaalla Muqdisho.

”Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka sida looga bartay maanta waxay ka qaybisay dhowr kaam oo ku yaalla Muqisho hilibka ciidda weyn ee Adxaa, waxaana ka faa’iideystay qoysas gaaraya 2,000 oo isugu jira hooyooyin, carruur iyo dad waayeel ah,“ ayuu yiri Madaxa mashaariicda Imaaraadka Carabta, Saciid Cabdalla oo warbaahinta la halday.

Sidoo kale, Saciid Cabdalla ayaa sheegay inay sii wadi doonaan kaalmada ay bixiso Bisha Cas ee Imaaraadka, si gargaarka bani’aadamnimo loo gaarsiiyo meelo badan sida kuwa ay abaaruhu ku dhufteen.

Mas’uulkan ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda u diray madaxda ugu sarreysa dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida Madaxwaynaha dalkaas, Sh. Khalifa Bin Sayid Al-Nahyan iyo ku xigeenkiisa Sheekh Maxamed Bin Rashid Ala-Maktuum, dhaxal-sugaha imaaradda Abu-Dubai Sh. Maxamed Bin Sayid Al-Nahyan iyo dhamaman shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Dhanka kale, waxaa deeeqdan ka mahad-celiyay, Axmed Warsame Cali oo ah horjoogaha kaam ku yaala degmada Hodon iyo sidoo kale dadka danta yar ee goobtaas soo xaadiray.

Xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kawadda Soomaaliya howlo fara badan oo isugu jira kaalmo bani’aadamnimo iyo mashaariic lagu horumarinayo Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya