4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo Sheegay inay sii wadayaan Dagaalka Al-shabaab

Isniin, Oktoobar 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab ee ku sugan Puntland illaa inta ay ka burburinayaan.

Gaas ayaa sheegay in Al-shabaab ay weli tahay khatar weyn oo Puntland ka jirta, xilli ay ciidamada Puntland kala wareegeen kooxdan saldhiggoodii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen buuraha Galgala ee Puntland.

“Ma ogolaanayno in Al-shabaab ay dhaqdhaqaaq ku sameyaan deegaannada aan k talinno, waxaana go’aansannay inaan kula dagalaanno meel walba oo ay Puntland ka joogaan illaa aan ka burburinayno,” ayuu yiri C/weli Gaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in Al-shabaab ay dhibaateeyaan shacabkooda, sidoo klaena ay dhib u geystaan deegaannada kale ee ay dariska yihiin.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale ugu baaqay dhallinyarada ka mid ah Al-shabaab inay ka waantoobaan falalka xagjirnimada ah ayna bulshada kusoo biiraan si ay uga qaybqaataan horumarka socda.

Dhanka kale, iska-horimaad kooban oo shalay ku dhexmaray Galgala ciidan ka tirsan kuwa Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa lagu dilay laba ruux, kuwaasoo midkood uu ahaa askarta Puntland sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen warbaahinta.

Al-shabaab ayaa tan iyo sannnadkii 2010-kii waxay saldhig ku lahaayeen buuraha Galgala ee gobolka Bari, iyadoo tan iyo xilligaas dagaallo adag kula jiray ciidamada maamulka Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya