4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Saraakiisha Dowladda oo sheegay in ay Weerar ku yihiin Degmada Sablaale

Isniin, Oktoobar 06, 2014 (HOL) — Saraakiisha hoggaaminaya ciidanka dowladda Somalia ee ka howlgalaya gobollada Koonfureed ee dalka ayaa sheegay inay maanta weerarayaan degmada Sablaale oo ah degmada keliya ee Xarakada Al-shabaab ay ka maamusho gobolka Shabeellada Hoose.

Jen. Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafoow) oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamad dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay saaka ku wajahan yihiin degmada Sablaalse ay uga saaraan Al-shabaab.

“Ma dhacayso in Al-shabaab ay joogaan degmada Sablaale iyo meelo la mid ah, innaguna aan joogno Baraawe, waxaana noo qorsheysan inaan saaka la wareegno degmadaas,” ayuu yiri Jen. Qaafoow.

Sidoo kale, sarkaalkan ka tirsan kuwa hoggaaminaya ciidamadii shalay gudaha u galaya degmada Baraawe ayaa sheegay in xaaladda degmadaas ay wanaagsan tahay, wax iska-horimaad ah oo ka dhacayna uusan jirin.

“Degmada Baraawe aniga ayaa ku sugan, mana jiraan wax iska-horimaadyo ah oo ka dhacay, xaaladduna waa deggen tahay,” ayuu Jen. Qaafoow kaga jawaabay warar ay warbaahinta qaarkeed baahisay oo ahaa in xalay uu ka dhacay degmadaas iska-horimaad u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in qorshahoodu yahay inay ka sameystaan fariisimo bannaanka degmada Baraawe, balse aysan degi doonin gudaha magaalada, wuxuuna xusay in degmada ay iyagu si buuxda gacanta ugu hayaan.

“Qorshaheennu waa inaan daafaha degmada degno, nooma qorsheyna marna inaan gudaha degmada dagno, ciidamaduna waxay ammaanka guud ere degmada ka ilaalin doonaan fariisimaha ay sameysanayaan,” ayuu mar kale yiri Jen. Qaafoow.

Sablaale ayaa waxaa habeen hore gaaray ciidammo iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ka baxay degmada Baraawe, iyadoo aan la ogeyn in ciidamada huwanta ah ay degmadaas ku qabsan doonaan dagaal la’aan iyo in Al-shabaab ay isku daydo inay difaacato gacan ku haynta degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya