4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2014
Kooxo hubeysan oo weeraray fariisin ay ku sugnaayeen Ciidammo Millateri ah

Isniin, Oktoobar 06, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex askair oo milateriga dowladda ka tirsan lagu dilay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saaka waaberigii hore fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay in kooxaha hubeysani ay ku dileen askartan ayna ka qaateen saddexdii qori ee ay haystaan, iyagoo si dhaqso ah goobta uga baxsaday.

Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxaha soo weeraray ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, balse ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

“Fariisinta waxa ku sugnaa ciidammo milateri ah, kooxo hubeysan oo aan u maleynayno inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayaana soo weeraray, saddex ka mid ah askarta ayay dileen,” ayuu yiri mid ka mid ah askarta fariisintaas ku sugnaa oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Taliska ciidamada milateriga Soomaaliya weli kama hadlin weerarka saaka ay kooxaha hubeysani ku qaadeen fariisinka ay ciidamada milateriga dalku ku sugnaayeen, iyadoo weerarkan uu imaanayo xilli Al-shbaaab degmada Baraawe oo muhiim u ahayd laga qabsaday.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaaray, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay weerarka, iyadoo goobta uu weerarku ka dhacay ay 17-km ka xigto Koonfur-galbeed magaalada Muqdisho xarunta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya