4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Muuqaalka cusub ee dhismaha baarlamanka dalka oo laga dooday (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Guddiga Joogtada ah ee baarlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay kaga doodeen naqshada dhismaha cusub ee baarlamanka iyo dhismayaasha xarumaha baarlamaanka uu ku yeelanayo gobollada dalka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa waxaa shir-gudoominayey guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad; waxaana goobjoog ka ahaa inta badan guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka.

Furitaankii shirka ayuu guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu kusoo bandhigay naqshada dhismaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xarumaha uu ku yeelanayo gobollada dalka.

Dhismahan oo ay hirgelin doonto dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa laga dhisi doono xarunta dhismihii hore ee baarlamaanka oo loo yaqaan ex-baarlamaan kuna dhow taalada daljirka daahsoon ee Muqdisho iyadoo uu la mid noqon doono dhismaha baarlamaanka Soomaaliya kuwa caalamka marka loo eego muuqaal ahaan iyo qaybaha uu dhismahani ka koobanaan doono, iyadoo lagu wado in dhawaan dhismaha baarlamaanka laga billaabo Muqdisho.

Sidoo kale, dhismaha xarunta baarlamaanka waxaa wehlinaya dhismayaasha xarumaha golaha shacabka uu ku yeelanayo gobollada dalka, iyadoo gobol walba oo dalka ka mid ah uu baarlamaanku ku yeelan doono xarun, kaasoo ka koobnaan doona laba qaybood oo kala ah deegaanka xildhibaanka iyo hoolka uu xildhibaanku shacabka uu metelo kula kulmayo marka uu dib ugu laabto deegaankii laga soo doortay.

Ugu dambeyn, guddiga ayaa kulankooda uga hadlay weynaynta munaasabadda maalinta calanka Soomaaliyeed oo 12-ka bishan Oktoobar ay ku beegan tahay sannad-guurrada 60-aad ee kasoo wareegatay aasaaska calanka Soomaaliya, waxaana arrintan loo xil-saaray guddi gaar ah oo uu gudoomiye ka noqon doono guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya