4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Mustaf Dhuxulow oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota


Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Wariirka Warfaafinta Dowladda Federalka Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesato ee dalka Mareykanka, isagoo warbixin ka siiyay xaaladda dalka iyo siyaasadda mustaqbalka dhow.

Wasiirka oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen la taliyeyaasha wasaaradda warfaafinta Injineer Yariisoow iyo Xuseen Jaabir  ayaa ugu horeyn jaaliyadda uga mahadceliyay wax qabadka iyo taageerada ay siiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in qurba-joogtu ay kaalin muuqata ka qaateen dib u dhiska dalka iyo taageerada dowladad intaba.

“Waxaan u baahan-nahay inaan iska kaashanno sidii looga hortagi lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraya kooxaha xag jirka ah ee Soomaaliya iyo Bariga dhexe intaba” ayuu yiri Mustaf Dhuxuloow oo intaas raaciyay.

“Dalka iyo dadkuba waa ka soo kabsanayaan dhibaatadii ku dhacday, Dowladduna waxay ku dadaaleysaa in 2016 ay dadku soo doortaan ciddii matali laheyd si looga gudbo qaabkii xildbhibaanada iyo madaxda lagu soo xuli jiray ee ku saleyesnaa Odayaal Dhaqameedka”

Xafladda soo dhaweynta wasiirka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxaa isna ka hadlay C/qaadir Mursal oo ah khabiir dhinaca warbaahinta maadaama uu muddo ka badan 30 sanadood ka shaqeynayay saxaafadda dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay ayaa wasiirka ku ammaanay diyaarinta iyo ka shaqeynta sharciga saxaafadda.

Cabdi Warsame oo ka mid ah dowladda hoose ee magaaladda Minneapolis oo ka soo qeyb galay xaflada soo dhaweynta Wasiirka ayaa HOL u sheegay in Mustaf Dhuxuloow  uu ku yaqaanay howlkarnimo xilligii ay ku noolaayeen magaaladda London, wuxuu wasiirka ku soo dhaweeyay magaaladda Minneapolis ee uu madaxda ka yahay.

Dhinaca kale wasiirka ayaa kulan wadatashi ah  la qaatay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, waxayna ka codsadeen in  xorriyadooda loo soo celiyo saxafiyiinta xiran iyo dib u eegis lagu sameeyo xeerka saaxafadda ka hort inta aan la dhaqan galin, wuxuuna u sheegay inay wasaaraddiisu diyaar u tahay wata tashiga iyo la shaqeynta warbaahinta madaxa bannaan.

Ugu dambeyn, madaxa ururka Somalia Citizens League, Jabriil Afyare ayaa guddoonsiiyay abaalmarin qaali ah wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota