4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
MUUN-GAAB: Wasiirada iyo Xildhibaanadu waa inay isku fidiyaan Degmooyinka


Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu weynaynayay ciidul-adxa oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir laguna qabtay degmada Huriwaa ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ay ka mid ahaayeen; guddoomiyaha baarlamanka, Maxamed Cismaan Jawaari, ra'iisul wasaare, C/weli Shiikh, wasiirro, xildhibaanno, duqa magaalada Muqdisho, guddoomiyeyaasha degmooyinka, marti-sharaf iyo fannaaniin soo bandhigay suugaan kala duwan.

Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo munaasabaddii manta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ay yihiin amni, loogana baahan yahay wasiirrada iyo xildhibaannada dowladda inay degmooyinkaas isku fidiyaan oo aanay madaxtooyada iyo nawaaxigeeda isku koobin.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo isaguna khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyn wuxuu mahadcelin u jeediyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay guulo la taaban karo kasoo hooyeen howlgallada ka soconaya gobollada dalka, kuwaasoo kii ugu dambeeyay ay dowladdu kula wareegtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha oo isaguna ka hadlay goobta ayaa amaanay waxqabadka maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo uu sheegay inay howl wanaagsan qabtaan muddadii yarayd ee ay howsha wadeen, isagoo ka sheegay munasabadda in shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir ay u diyaar-garoobaan xuska sanad-guurrada 60-aad ee kasoo wareegatay calanka jamhuuriyadda Somalia oo ku beegan 12-ka bishan Oktoobar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya