4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Shirweynihii ka socday Magaalada Kismaayo oo lasoo Gunaanaday [SAWIRRO]

Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) - Wejigii labaad ee shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo, iyadoo xafladdii soo xiritaanka shirka ay kasoo qeybgaleen madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubba, wakiillo ka socday xukuumadda federaalka Soomaaliya, IGAD iyo weliba qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Intii ay xafladdu socotay ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan, waxaana halkaasi ugu horeyn ka hadlay gudigii dib u heshiisiinta Jubooyinka, kuwaasoo goobta ka sheegay in dhamaan beelaha dega Jubooyinka ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka deegaanadooda.

Wakiilka IGAD ee Somalia, Max'ed Cabdi Afeey oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in maanta oo kale ay tahay maalin xusid mudan, isagoo intaa ku daray in shirkan lasoo gabagabeeynayo uu yahay qodob ka mid ah heshiiskii Adisababa ay ku kala sixiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

Sidoo kale Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba  C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa isna guul ku tilmaamay shirka maanta lagu soo gabagabeeyay Kismaayo, isagoo ugu baaqay beelaha degan Jubooyinka in ay ka dhabeeyaan heshiisyada nabadeed ee ay saxiixeen.

Ugu danbeyntii waxaa munaasibadda ka hadlay madaxweeynaha maamulka Jubba Mudane Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe), kaasoo hambalyo u diray gudigii waday howsha dib u heshiisiinta, waxa uuna sheegay in ka shaqsi ahaan uu aqbalay baaqyadii nabadeed ee ay gudiga soo jeediyeen, isagoo ku booriyay beelaha Soomaaliyeed ee ku nool Jubooyinka in ay u istaagaan sidii ay deegaanadooda uga saari lahaayeen xoogagga Al-shabaab.

Shirkan ayaa furmay 16-ka bishii aynu soo dhaafnay ee Sebtember, iyadoo furitaankiisa uu goobjoog ka ahaa madaxweeynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Max'uud, waxaana mudadaasi soconayay kulamo gooni-gooni ah oo ay lahaayeen beelaha kala duwan ee wada dega Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya