4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Keith Ellsion oo ka hadlay Kufsigii ay AMISOM u geysatay Haween Soomaaliyeed


Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Xildhibaanka keliya ee Muslimka ah ee Congress-ka Mareykanka ku jira, Keith Ellison ayaa ka hadlay kufsi ay ciidammo ka tirsan AMISOM u geysteen haween Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Mareykanka oo ah kan dhaqaalaha ugu badan ku bixiaya howlgalkan ay mas'uuliyadi ka saaran tahay sdiii baaritaan dhab ah loogu sameyn lahaa xad-gudubka ay ciidammo ka socda Burundi iyo Uganda u geysteen haween Soomaaliyeed.

Kufsigan oo muddo hore soo shaac baxay ayaysan weli ka hadlin beesha caalamka oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo dalalka Yurub qaarkood, sidoo kalena waxaa ka aamusay ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo caaalmi ah.

Mudane Ellison ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sarreeyay oo arrintan warbixin kasoo saara, isagoo warbixintiisa oo uu soo gaarsiiyay HOL ku sheegay inay wax laga naxo tahay in ciidamada AMISOM oo Soomaaliya loo geeeyay inay shacabka difaacaan ay haweenka Soomaaliyeed ka baqaan.

“Xad-gudubka Kufsiga ay hay’adda HRW ku qeexday warbixinteeda waa mid laga naxo,” ayuu yiri mudane Keith Ellison oo laga soo doorto gobolka Minnesota oo mid ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool, isagoo intaa ku daray.

Ellison ayaa qoraalka uu u soo diray HOL ku yiri. “Haweenka Soomaaliyeed ma ahayn in ay ka baqaan ciidammo loosoo diray inay difaacaan.” Isagoo intaa ku daray. “Mareykanka ah oo dhaqaalaha ugu badan ku bixiya howlgalka AMISOM ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay in baaritaan hufan oo dhameystiran lagu sameeyo arrintan, sidoo kalena kuwii geystay si dhab ah loola xisaabtamo.”

Sidoo kale, Bahame Tom Nyanduga oo bishii May ay Qaramada Midoobay u magacowday inuu si madaxbannaan uga soo warbixiyo arrimaha xuquuqul aadanaha ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay kufsiga loo geystay haween Soomaaliyeed, taasoo ay ku kaceen ciidammo AMISOM ka tirsan.

“Eedeymaha ah xadgudubka galmo ah ee ay haween Soomaaliyeed kula kaceen askar ka tirsan AMISOM waa kuwo walaac xooggan i geliyay,” ayuu ku yiri Nyanduga warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda u qaabilsan xuquuqd aadanaha Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Dhanka kale, Tom Nyanduga ayaa ugu baaqay taliska AMISOM inay baaris dhab ah ku sameeyaan xadgudubkan ayna ciqaab adag mariyaan kuwii ku kacay falkaas foosha xun.

Mudane Keith Ellison ayaa sheegay in AMISOM ay ka ballan-qaaday inay eedeymahan baaritaanno dhameystiran ku sameyn doonaan, ayna kuwii dambiga lagu helo tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Keith Ellison ayaa sheegay inuu taleefoonka kula xiriiray madaxa KMG ah ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, El-Ghasim Wade uuna u sheegay in kufsiga ay askartooda AMISOM kula kaceen haweenka Soomaaliya inay si aad ah uga qayliyeen Soomaalida caalamka ku nool oo dhan.

“Wuxuu iga ballanqaaday mas’uulkan inaysan soo laaban doonin fal noocan oo kale ah,” ayuu xildhibaan Ellison hadalkiisa ku daray, isagoo xusay inay arrintan ahayd mid aad looga xumaado.

Ugu dambeyn, khabiirka madaxa-bannaan ee xuquuqda aadanaha, Bahame Tom Nyanduga ayaa sheegay inaan kufsi iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah bani’aadamnimada ciddii ku kacda xukuumado ama ururro aan loogu dul-qaadan doonin. Isagoo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia ku booriyay inuu kaalin wanaagsan ka ciyaaro ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Midowga Afrika ayaa qoraalkii hay’adda HRW ee ku saabsanaa kufsi ay ciidamadooda Soomaaliya jooga kula kaceen tiro haween Soomaliyeed ah ayaa ku tilmaantay mid been abuur ah, iyadoo sheegtay in wanaaggooda iyo khataraha ay ciidamadooda u galayaan Soomaaliya aan la sheegin, laakiinse la buun-buuniyo waxyaabo aan sal iyo raad lahayn oo si wax loogu dhimo sharafta ciidamadooda jooga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya