4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo maanta la kulmay wafdi ka socday dalka Sweden

Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) —Wafdi ka socda dalka Sweden ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Wafdigan oo ay horkacayeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Gothenburg waxay xarunta madaxtooyada kula kulmeen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arimo ay kamid yihiin: in shaqo abuuris loo sameeyo dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ku nool Gothenburg iyo weliba in la mataaneeyo magaalada Gothenburg iyo magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Puntland oo kulanka kadib si kooban war-fidiyeenka ula hadlay ayaa uga mahadceliyey wafdiga Swedishka ah booqashada ay Puntland ku yimaadeen isagoo intaas raaciyey in  kulankii dhe maray isaga iyo wafdigaasi ahaa mid guul kusoo dhamaaday.

Xubnaha maanta Garowe soo gaaray waxaa kamid ahaa Anders Lygdman oo kamid ah madaxda hay’adda Region Vastra Gotaland, Camilla Nasuland oo ah Madaxa Mashaariicda Horumarinta ee Gothenburg iyo sidookale Tomas Magnusson oo ah Agaasimaha Mashaariicda ee Gothenburg.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya