4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
SHANGOLE: Al-shabaab Waxaa lagu soo Qaaday Dullaan la isku soo bahaystay


Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Sh. Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangele) oo Al-shabaab u qaabilsan dhinaca dacwada ayaa sheegay in lagu soo qaaday kooxdooda duullaan la isku bahaystay, isagoo sheegay in taasi ay niyad-jabin doonin.

Madaxa dacwada ee Al-shabaab ayaa intaas ku daray in dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sii wadi doonaan oo aysan marna is-dhiibi doonin, wuxuuna xusay in culeys badan la saaray.

“Al-shabaab waxaa lagu soo qaaday duulaan ballaaran oo ay gaalo oo dhan isku bahaysatay, balse taasi nama niyad-jabin doonto, dagaalkana waan sii wadaynaa,” ayuu yiri Shangole oo hadalkiisan kusoo beegay xilli gacantooda ay ka baxday degmada Baraawe oo saldhig weyn u ahayd.

Sidoo kale, sarkaalkan ayaa sheegay in deegaanno badan laga qabsaday, balse ay dib ula soo noqon doonaan, wuxuuna intaas ku daray inaysan ka laaban doonin go’aankooda ah inay la dagaalamaan wuxu ciidamada dalka kusoo duulay oo uu ula jeeday AMISOM.

“Degmooyin badan ayay cadowgu hadda ku sugan yihiin, kuwasoo ay horay Xarakadu u maamuli jirtay, balse waxaa naga go’an inaan dagaalkeenna sii wadno, waayo waxaan difaacaynaa diinta iyo dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sheekh Fu’aad Shangole ayaa wuxuu ka mid yahay saraakiisha Al-shabaab ugu sarreysa, sidoo kalena wuxuu ka mid yahay xubno uu Mareykanku dul dhigay madaxooda lacag malaayiin doollar ah si uu xog uga helo ama ay u dilaan.

Al-shabaab ayaa wayday Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, taasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM baqonimadii maanta kala wareegeen, waxaana degmadan ay sannado badan u ahayd Al-shabaab meel ay dagaalladooda kasoo abaabulaan.

Weli Xarakadu waxay ka talisaa deegaanno badan oo dalka ah, kuwaasoo ay ka mid tahay gobolka Jubbada Dhexe oo ay gabi ahaantiisa ku jira gacantooda, inkastoo aan la ogeyn halka uu isaguna ku dambeyn doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya