4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Ciidamadii Dowladda iyo AMISOM oo dibadda uga baxay Degmada Baraawe

Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Ciidamadii dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo baqonimadii maanta la wareegay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay inay dibadda uga baxeen degmada ayna ku sugan yihiin duleedka magaalada.

Goobjoogayaal la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gudaha soo galeen ayna dib uga baxeen, kaddib markii ay saraakiisha hoggaaminaya ciidamada la kulmeen waxgaradka degmada.

“Degmada way soo galeen ciidamada dowladda, laakiinse dibadda ay uga baxeen haddana waxay ku sugan yihiin duleedka degmada,” ayuu yiri ruux goobjooge ah oo ka mid ahaa kuwii la hadlay VOA-da, isagoo xusay inay Al-shabaab xalay isaga baxeen degmada.

Sidoo kale, goobjoogahan oo magaciisa la qariyay ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ee degmada ka baxay loo sheegay inaysan fogeyn, isagoo intaa ku daray in Al-shabaab ay shacabka uga digeen inay macaamil la sameeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Waxaan ugu baaqayaa ciidamada inaysan magaalada soo gelin oo ay halka ay ku sugan yihiin dagaan,” ayuu goobjooguhu hadalkiisa ku daray mar uu ka jawaabayay wuxuu ugu baaqayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee wada-socda.

Dhanka kale, Sheekh Maxamed Aadan Fiqi oo ka mid ah waxgaradka ku nool degmada Baraawe ayaa isna u sheegay VOA-da in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay soo galeen degmada, balse ay ku qanciyeen inay dibadda uga baxaan.

“Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM si wanaagsan ayaan u soo dhaweeyay, magaalada way yimaadeen, balse waxaan weydiisannay inay dagaan magaalada bannaankeeda,” ayuu yiri Sheekh Fiqi.

Mar la weydiiyay halka ay aadeen xoogaggii Al-shabaab ee degmada ka baxay ayuu xusay inaysan ogeyn, balse ay maleynayaan inay ku sugan yihiin meelo aan degmada ka fogeyn.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo degmada ka dhacay markii ay ciidamadu soo galeen, xalaadduna ay hadda tahay mid aad u daggan, dadkuna ay ku sugan yihiin guryahooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya