4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Denmark oo Muwaadiniinteeda u Digtay inay Tagaan Dalal ay ku jirto Somalia

Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Dowladda Denmark ayaa u digtay muwaadiniinteeda inay booqdaan 28 dal oo muslimiin ah, kuwaasoo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Afhayeenk wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark oo lagu magacaabo, Ole Egberg ayaa u sheegay wargeyska Politike oo ka faallooda arrimaha ay ka mid yihiin siyaasadda oo kasoo baxa Copenhagen ayaa sheegay inay uga digeen muwaadiniintooda inay dalalkaas booqdaan.

Egeberg ayaa sheegay in dalalka aysan booqan karin muwaadiniintooda ay ku jirto Somalia, sidoo kalena ay ka mid yihiin; Afghanistan iyo Saudi Arabia, isagoo sheegay in sababta ay ugu diideen dadkooda inay 28-kan waddan booqdaan ay tahay khatar kaga imaan karta muslimiinta ku nool dalalkaas.

“Diyaaradaheenna dagaalka waxay ka qaybgalayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIS, sidaa daraadeed waxaan uga digaynaa muwaadiniinteenna in ay ka digtoonaadaan khataro kaga yimaada muslimiinta dalalkaas ku nool oo ay dhici karto inay ka caroodaan ka qaybgalkeenna dagaalka lagula jiro ISIS,” ayuu yiri Ole Egberg.

Ma uusan sheegin wasiirku in dadka ajaanibta ah ee dalalkaas kasoo jeeda, balse haysta dhalashooyinka Denmark ay ku jiraan kuwa looga digay inay booqdaan dalalka muslimka ah.

“Waxaan si gaar ah uga digaynaa muwaadiniinteeda inay booqdaan Somalia oo ay ku sugan yihiin kooxo xiriir la leh ISIS, kuwaasoo ay dhici karto inay si toos ah u beegsadaan iyagoo ka careysan howlgalka ka dhanka ah kooxda,” ayuu hadalkiisa raacliyay afhayeenka wasiirka arrimaha dibadda Denmark.

Ugu dambeyn, afhayeenka wsiirka arrimaha dibadda Denmark ayaa intaas ku daray in dalalka ay ka digeen inay muwaadiniintooda booqdaan ay kala yihiin; Afghanistan, Bahrain, Burkina Faso, Egypt, India, Indonesia, Iraq, Iran, Jordan, Kenya, Lebanon, Libya, Malaysia, Mali, Mauritania, Morocco, Niger, Nigeria, Palestine, Pakistan, Philippines, Saudi Arabia, Somalia, Syria, Tunisia, Turkey, United Arab Emirates iyo Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya