4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Gaas oo sheegay in Ra’iisul Wasaare C/weli uu kusoo wajahan yahay Garoowe

Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed uu kusoo wajahan yahay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Gaas oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay kawada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin maamulka loo dhisi doono gobollada Mudug iyo Galguduud.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay kawada hadli doonaan khilaafkii keenay inay Puntland xiriirka u jarto dowladda dhexe ee Soomaaliya, balse ma uusan sheegin xilliga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu tagayo Puntland.

Maamulka Puntland oo ka mid ah maamullada Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqeen bil ka hor inay xiriirkii wada-shaqeyneed u jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii dowladdu ay sheegtay inay maamul u dhisayso gobollada dhexe ee Soomaaliya oo uu ku jiro gobolka Mudug.

Puntland ayaa xilligaas sheegtay in dowladda dhexe ay ku xad-gudubtay deegaannada ay ka taliyaan, taasna ay tahay sababta keentay inay joojiyaan wada-shaqeyntii kala dhexeysa.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, haatanna ah madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay arrimo ku saabsan khilaafka soo dhexgalay maamulkiisa iyo maamlka ay dariska yihiin ee Galmudug, kaasoo ku saabsan xiridda garoommada Gaalkacyo.

“Wax kasta in muhiimadda laga eego ayaa wanaagsan. Innagu Galmudug uma aanan diidin isticmaalka garoonka C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo, balse garoonkan wuxuu ka mid yahay garoommada ay maamusho Puntland,” ayuu kaga jawaabay Gaas su’aashii ku saabsanayd muranka Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan kasoo horjeedo maamul ay dowladdu u sameyso gobollada Galguduud iyo Mudug, balse ay u baahan yihiin in la caddeeyo qaabka ay isku raacayaan gobolladan.

Hadalka C/weli Gaas ayaa imaanaya xilli ay dowladda Somalia sheegtay inay wadahadallo la furayso maamulka Puntland, si heshiis looga gaaro khilaafkii sababay in maamulkaas uu xiriirka u jarao xukuumadda Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya