4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Munaasabad isugu jirtay xuska Ciida iyo xoojinta dhaqanka oo ay qabtay CCA


Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusaayay xuska dabaal-degga maalmaha Ciida Carafo  iyo xoojinta ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir.

Xaflada Munaasabadaasi oo aad loo soo agaasimay waxaa soo qaban qaabiyay Heyadda Wacyegelinta Bulshadda CCA , waxaana ka soo qeyb galey Mas'uuliyiin ka kala socotey Maamulka Degmadda Waaberi, Madaxda CCA iyo Dhalinyarro ka kala timid Gobolada Dalka.

Dadweynihii boqolaalka ahaa ee u soo daawasho tagey bandhigaasi ayaa wejiyadooda waxaa laga dheehanaayey farxada iyo xiisaha ay u qabaan daawashada Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ee halkaasi lagu soo bandhigay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Shiribka, Seylicida,Dhaantada, Wilisaqada, Kebeebeyda, Batarka, Saylaha, Beereyd, Indho sarcaadka iyo Suugaan isugu jirto Wadani iyo kuwo ka tarjumayey  Munaasabadda Maalinta Ciida.

Khudbad ay halkaasi ka soo jeediyeen Gudoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Muumin Maxamed iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi Xaliimo Cali Beere ayaa ugu horreyntii sheegey in ay ugu hambaliyeyneyaan guud ahaan Umadaha Islaamka  gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed Munaasabadda Ciida, waxaana ay cadeeyeen in ay ku faraxsan yihiin qabashada Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqamka Soomaaliyeed ee ay Degmadoodu marti gelisay.

Mas'uuliyiintaasi oo hadalkoodi sii wata waxaa aya xuseen qabashada Ciyaarahani in ay qeyb muhiim ah ay ka yihiin isdhexgalka Bulshada iyo Adkeynta Nabadda, waxaana ay ku celceliyeen in loo baahan yahay in dhalinyaradda Soomaaliyeed la baro Hiddaha iyo Dhaqankooda, iyagoo dhinaca kalena u mahad naqey Heyadda CCA oo soo maalgelisey Bandhigaasi.

Agaasimaha CCA Maxamed Cabdi Xasan (Sandheere) oo isna ka hadley munaasabadaasi ayaa ku dheeraadey ka sheekeynta taariikhda Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waxaana uu carabka ku dhuftey in Ciyaar Dhaqameedku ay ka mid yihiin  astaamaha dal walba lagu garto isagoo bogaadiyey kooxda Fanklore ka ee Hobollada Waaberi oo u xilsaaran ilaalinta iyo dhowrida Ciyaar Dhaqameedka Soomaaliyeed.

Maxamed Abdi Hassan Sandheere Agaasimaha CCA waxaa uu ku nux nuxsadey in ay lagama maarmaan tahay joogteynta barnaamijyada ceynkan oo kale ah, waxaana uu halkaasi ka balan qaadey in ay CCA ka go'an tahay sidii ay mar welba u taageeri lahaayeen adkeynta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Munaasabadaasi waxaa gaba gabadeedi hadalo isugu jirey mahadnaq iyo taageero ka soo jeediyey qaar ka mid ah Dhalinyaraddi Gobollada kayimid ee halkaasi lagu martiqaaday.

CCA horay ayay bandhig noocaan oo kale ah Munaasabadii Ciidul Fidriga ee dhowaan laga soo gudbey ugu qabatey barxada Taalada Daljirka Daxsoon ee Ex Baarlamaan ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya