4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Dhallinyarada ku biiraysa Al-shabaab ee ka Tagaysa Minneapolis oo Korortay

Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Magaalada Minneapolis oo ah halka ugu badan ee Somalida Maraykanka ay ku nool yihiin ayaa la sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay ka tageen dhalinyaro badan si ay uga qayb-galaan dagaallada looga soo horjeedo reer-galbeedka ee ka socda wadamo ay Somaliya ku jirto.

Dadaallada looga soo horjeeda in dhalinyarada laga shaqaalaysiiyo kooxaha argagaxsida ah ayaa ahaa kuwa soo socday muddo ,iyada oo ay iska kaashanayaan xubno ka tirsan bulshada Somalida ah ee ku dhaqan Minnesota iyo waaxda cadaallada ee dalkaas.

Cabdirisaaq Biixi oo ka mid ah dhallinyarada Minneapolis ayaa u sheegay AP in ruux ka mid ah qaraabadiisa uu sanadkii 2008-dii ka tagay US si uu ugu biro kooxda Al-shabaab, isla markaana lagu dilay mid kamid dagaalladii ay kooxahas galeen.

Waxaa u sheegay in maalmahan danbe uu ku arko meelaha qaar rag ay ka muuqato diintu Islaamka  oo dhalinyarada ku wacdiya baarkinada, masaajidyada iyo goobaha  kale e lagu damaashaado waqtiyada fasaxyada.

“Marka hore kama hadlaan wax la xiriira Jihaadka ,balse waxaa ay nagu wacdiyaan inaan ka towbad keenno khaladaadka nafteena waliba iyaga oo noo aqrinaya quraanka ,waxa kalo ay no sheegaan inaan surweelada gaabsanno “ayuu yiri Cabdi risaaq.

Burhaan Mohamed oo isna 24-jir ah kana shaqeeya mid kamid ah dugsiyada sare ee magaaladaas ayaa sheegay inuusan cadeyn karin shaqaalaysiinta kooxaha islaaminta ah ,balse taa hadii ay dhacdo ay dadka oo dhan  wici lahaayeen laamaha amniga.

Ugu danbayntii xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka Andy Luger ayaa sheegay in laamaha dowladda ay ka go’antahay sidii ay abuuri lahaayen kalsooni lagula dagaalami karo cid kasta oo doonaysa in dhalinayarada ay shaqaalaysiiso.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]