4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo gudaha u galay Degmada Baraawe


Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa gudaha u galay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo muddo sannado ah ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahayd gobolkaas.

Magaalada Baraawe oo 200-km Muqdisho kaga beegan Koonfureed ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahayd bartilmaameedka koowaad ee ay higsanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

“Hadda ayay ciidamadu gudaha u galeen degmada Baraawe, mana jirin wax iska-caabin ah oo ay kala kulmeen Al-shabaab, cutubyo ka tirsan ciidamada ayaa gudaha u galay, waxaana ku sugan dadweyne aad u tiro yar,” ayuu HOL u sheegay mid ka mid wariyeyaasha la socda ciidamada.

Sidoo kale, wariyaha ayaa HOL u xaqiijiyay in ciidamadu ay fariisimo dhowr ah ka sameysteen gudaha iyo daafaha degmada, ayna haatan baaritaanno ka wadaan gudaha degmada.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ee dowladda Somalia, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay la kulmayaan maanta waxgaradka degmada Baraawe.

Baraawe ayaa waxay noqonaysaa goobtii uug weynayd ee Koonfurta Somalia oo ay lumiso Al-shabaab, iyadoo Sh. Maxamed Abu-Cabdalla oo gobolkaas u qaabilsanaa Al-shabaab uu shalay ka sheegay gudaha degmada inay ku dagaalami doonaan oo aysan weligood ka baxayn degmada.

Xoogagii Al-shabaab ee ka baxay Baraawe ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca gobolka Jubbada dhexe oo ay dhammaantiis gacanta ku hayaan, lamana oga tallaabada xigi doonta qabashada Baraawe.

Al-shabaab weli kama hadlin qabsashada degmada Baraawe, iyadoo horay ay degmadaas uga barakaceen inta badan dadkii ku noolaa, waxaana ay u arkaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM degmada meel muhiim u ah.

Wixii soo kordha kala soco Hiiraan Online haddii EEBBE idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya