4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo Guriceel kula dagaalamayay Ciidanka Ahlusuna

Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa ciidamada Ahlusunna kula dagaalamay gudaha degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, iyadoo dagaalku uu dhaliay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Guriceel Cali Baashi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ee gudaha degmada dagaalka kula jira ciidamadooda ay ku shirayeen guri ku yaalla degmada.

“Al-shabaab xubno ka tirsan oo ku shirsanaa  gurig ayay ciidamadu damceen inay howlgal ku qabtaan, balse waxaa meeshaas ka dhacay dagaal sababay in hal askari uu nooga dhinto mid kalena uu nooga dhaawacmo,” ayuu yiri Cali Baashir.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay baxsadeen ayna ciidamadoodu ku raad-joogaan, isagoo xusay inaysan weli garanayn khasaaraha gaaray xoogaggii Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalka la sheegay in xoogag iyaga ka tirsan ay degmada Guriceel kula galeen ciidamada Ahlusunna Waljamaaca, iyadoo xaaladdu ay xilligan tahay mid degen.

Dadweynaha degmada Guriceel ayaa dhankooda sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus uuna muddo socday, iyagoo xusay inay arkeen maydka mid ka mid ah ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.

Guriceel ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka gobolka Galguduud ee ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, iyadoo dhowr jeer ay gacan ku haynteeda ku dagaalameen Al-shabaab iyo Ahlusnna.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya