4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Danjire Max'ed Cismaan oo ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Britain


Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Danjire Maxamed Cismaan Cumar oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka mid ahaa jagooyin badanna kasoo qabtay dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada London ee xarunta dalka Britain.

Maydka dajiraha ayaa laga helay gurigiisa shalay oo Sabti ahayd, xilli la isku diyaarinayay maalinta koowaad ee Ciidul-Adxa, inkastoo aan la ogeyn sabab uu u dhintay, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in loo maleynayo in uu wadnuhu istaagay.

Allaha u naxariistee, danjiraha ayaa agaasimaha hab-maamuuska ka soo noqday wasaaradii arrimaha dibadda Somalia sanadkii 1972. Sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay wasaaraddii warfaafinta ee Soomaaliya intii u dhexeysay sannadihii 1962-kii illaa 1967, isagoo xilligaas ka mid ahaa wariyeyaashii wargeyskii Afka Talyaaniga kusoo bixi jiray ee [Il Corriere della Somalia], wuxuu kaloo kasoo shaqeeyay wakaaladdi wararka Somalia ee SONNA.

Danjiraha ayaa muddo fog ahaa danjire uga soo noqday Soomaaliya dalal ay ka mid yihiin; Hindiya, Shiinaha, Sri-Lanka, Singapore, Yugoslavia, Sudan iyo kuwo kale, isagoo tan iyo burburkii ku noolaa dalka Britain.

Sidoo kale, marxuumka ayaa wuxuu ahaa qoraa, wuxuuna qoray buugaag badan oo kusoo baxay luuqadda Ingiriiska, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen:

1. The Road to Zero
2. The Scramble in the Horn of Africa
3. Somalia: Between Devils and Deep Sea
4. Somalia Past and Present
5. Somalia: A Nation Driven to Despair
6. Milk and Peace – Drought and War
7. Dublamaasiyadda iyo Hab Maamuuska

Eebbe ha u raxmadeen, marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa qoraayaal wax ku qori jiray HOL, isagoo arrimo badan ka hadlay, waxaana qoraalkii HOL lagu daabacay ee uu qoray uu kaga hadlay xadgudubyada loo geysto hablaha Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa wuxuu ahaa ruux si weyn looga yaqaan gudaha iyo dibadda dalka, wuxuuna ahaa ruux ay ku weyn tahay Soomaalinimada oo inta badan dadka Soomaaliyeed ee la kulmo kala hadli jiray sidii Soomaaliya ay dib ay caga-heeda ugu istaagi lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya