4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
AX'ED MADOOBE: 48-saac gudahood Jubooyinka howlgal ayaa ka billaabanaya
Axad, Oktoobar 5, 2014 (HOL) :- Madaxweeynaha maamulka Jubba, Sh. Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo ayaa 48-saacadood u qabtay dagaalyahannada Al-shabaab in ay isu soo dhiibaan maamulkiisa, isagoo xusay in 48-saac kadib ay gobollada Jubooyinka ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwo ay doonayaan in xoogagga Al-shabaab ay uga saaraan deegaanada iyo degmooyinka ay uga suganyihiin gobollada Jubbooyinka.

"Waxaa jiro dagaal lagu jiro oo kasoo horjeeda Al-shabaab, waxaan rabnaa inaan u sheegno 48-da saacadood ee soo socota cid kasta oo isa soo dhiibtaa maamulku wuu aqbali doonaa, laakin wixii inta ka danbeeyo ninkii dagaal lagu qabto keeyfiyadii dagaalka loogu qabtay ayay ku xirnaan doontaa, waana la howlgeli doonaa wax la qarinayana maahan, 48-saacadood ee soo socota," ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.

Xoogagga Al-shabaab ayaa maamula degmooyinka iyo deegaano ka tirsan gobolka J/hoose iyagoo si buuxda gacanta ugu haya guud ahaan gobolka J/dhexe.

Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa diyaargarow ku aadan howlgallada la filayo in ciidamada maamulka Jubba yo kuwa AMISOM ay qorsheeynayaan in ay ka bilaabaan gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya