4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2014
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo qarka u saaran Degmada Baraawe


Axad, Oktoobar 05, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan deegaan ku dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ay isaga baxeen dhammaan xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa.

Wariyeyaal la socda ciidamada huwanta ah ayaa HOL u sheegay in haatan ay ciidamadu ku sugan yihiin meel 5-km u jirta degmada, ayna qorsheynaaan in maanta ay gudaha u galaan.

“Ciidamadu waxay ku sugan yihiin duleedka degmada, waxaana la wadaan qorshe ah inay gudaha u galaan degmada. Al-shabaab dhammaantood way ka baxeen, degmaduna haatan waa faaruq,” ayuu yiri mid ah suxufiyiinta la socda cidamada oo saaka la hadlay HOL.

Sidoo kale, wariyahan ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay dhinaca degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose aadeen, halkaasoo xalay ay ku duqeeyeen ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM.

“Xoogaggii Al-shabaab oo wata ugu yaraan 60-gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa ka baxay degmada, waxayna aadeen dhinaca degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose, ciidamada huwanta ah ayaan xalay duqeymo xooggan u geysatay, mana garan karno khasaaraha gaaray,” ayuu intaa ku daray wariyaha la hadlay HOL.

Degmada Baraawe oo 200-km Koonfur kaga beegan Muqdisho ayaa muddo ahayd saldhig weyn oo ay Al-shabaab adeegsato, iyadoo aysan weli kooxdu ka hadlin ka bixitaankooda, inkastoo sarkaal u hadlay uu shalay sheegay in ay ku dagaalami doonaan degmadaas oo aysan weligood ka baxayn.

AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay aad ugu cel-celinayay iny ka saarayaan Al-shabaab degmada Baraawe, iyagoo xusay inay tahay degmo muhiim ah oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii hore laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan gobollada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya, inkastoo weli ay gacanta ku hayaan gobolka Jubbda dhexe iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan.

Wixii kasoo kordha arrimaha degmada Baraawe waxaad kula socon doontaa Wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya