4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Magaalada Boosaaso ee xarunta G. Bari oo si weyn looga ciiday(SAWIRRO)
Sabti, October 4, 2014 (HOL) — Maanta oo ay taariikhda Hijrigu tahay 10-ka bisha Dul Xijjah 1435, kuna beegan October 4, 2014, waxaa si weyn dunida Muslimka ah loogaga dabaal degayaa munaasabadda Ciidul-Adxa.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa si weyn looga ciiday.Kumanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay jidadka, waxaana salaadda Ciidka lagu oogey dhamaan masaajidda xaafadaha iyo garoonka kubadda cagta ee degmada, halkaas oo ay culimaa'uddiinka iyo maamulkuba bulshada kula hadleen.

Shaqaalaha dowladda hoose ayaa ilaa xalay ku howlanaa sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen  bilicda degmada, waxayna nadifiiyeen jidadka,  iyadoo amaankuna uu ahaa maanta mid si weyn loo adkeeyey.

Si taas lamid ah waxaa looga ciidey magaalooyin kale oo ay kamid yihiin: Garoowe, Qardho, Gaalkacayo, Badhan iyo qaar kamid ah degmooyinka ku yaal dhulka laamiga ka baxsan.

Dhinaca kale madaxda sare ee Puntland gaar ahaan Madaxweyne C/weli Gaas iyo ku-xigeenkiisa C/xakiim Camey ayaa bulshada ugu hanbalyeeyey faraxadda Ciidka, waxayna ilaah uga baryeen in uu sanadkan sanadkiisa xiga nabad iyo barwaaqo ku gaarsiiyo.

Madaxweynaha Puntland oo ka khudbadeeyey garoonka Mire Awaare wuxuu ku dheeraaday ammaanka iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda iyo bulshaduba uga wada shaqeeyaan, isagoo dhanka kale hambalyo u diray ciidamada Puntland ee la wareegay fariisimihii Al-shabab ee buuraleyda Galgala.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya