4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
MINNESOTA: Kumanaan Muslimiin ah oo u soo baxay Salaadii Ciida (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Xarunta ugu wayn ee shirarka magaalada Minneapolis ee lagu magacaabo Minneapolis Convention Center ayaa waxaa maanta soo buux-dhaafiyay maanta kumannaan muslimiin ah oo ah oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota u badan, iyadoo uu goobta diyaariyay masjidka Abuubakar Sadiiq ee magaaladan MPLS.

Ciidan ayaa nasiib-wanaag kusoo aadday maalin Sabti ah oo ay badi dadkii u soo shaqo tagi jiray faras magaalaha Minneapolis ay fasax yihiin, iyadoo uu ahaa jawigu mid qabow dadkii salaadda tukanayayna waxay xirnaayeen dhar qurux badan, iyadoo meel walba laga maqli karay takbiirta.

Tukashada salaadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay guddoomiyaha Minnesota, Mark Dayton iyo mudane Keith Ellison oo ah ninka muslimka ah ee ku jira aqalka hoose oo laga xukumo Mareykanka, waxayna labadooduba sanadkan galayaan doorasho, iyadoo sidoo kale uu dadkii salaadda kasoo qaybgalay uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow oo hanbalyo u diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo ah Imaamka masaajidka Abuubakar ayaa dadkii halkaas isugu yimid u jeediyay khudbad ku aaddanay Ciidda Carafo, isagoo khudbaddiisa uga hadlay suuradda Nabi Ibraahim CS, wuxuuna dadka ku wacdinayay taariikhda Ciidul-Adxa iyo bilowgeedii.

Mar uu Sh. C/raxmaan la hadlayay HOL ayuu hanbalyo ku addan ciidda u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in Alle laga baqo laguna dadaalo midnimada iyo nabadgalyada guud ee dalka, isagoo si gaar ah ugu duceeyay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay ku habsadeen.

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu si aad ah uga hadlay khatarta dhallinyrada ku biiraysa kooxda Daacish, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isagoo uga digay dhallinyradda Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan arrintaas.

Ugu dambeyn, maamulaha masjidka Abuubakar Sadiiq, Maxamuud Guuleed Suhayb ayaa uga mahadceliyay dadkii kumannaanka ahaa ee kasoo qayb-galay tukashada salaadda ciidda ee maanta, isgaoo xusay in sidani ay tahay sida lagu yaqaan dhaqanka dadka Islaamka ah.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA