4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Ra'iisul wasaaraha Somalia oo golaha wasiirada kala hadlay howsha hor-taalla


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha golaha wasiirrada, iyagoo kulankooda kaga hadlay xaaladda guud ee waddanka iyo sidii loo dar-dar-gelin lahaa howlaha culus ee hor-yaalla xukuumadda.

Mudane C/weli ayaa ka dalbaday xubnaha golaha wasiirada inay howlahooda sii laba-jibaaraan, isla markaana sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay wax badan qabsoomeen, inta hartayna la doonayo in sannadkan xoogga la saaro si guulo wax ku ool ah looga gaaro hiigsiga 2016-ka..

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waxqabadkiinna muuqda ee sannadkii lasoo dhaafay oo ay ka muuqatay mas’uuliyad. Xukuumaddu waxay meel marisay sharuuc fara badan intii sannadkaas lagu jiray, laakiin waxaa lama huraan ah inaan sii labo-jibaarno dadaalka oo labada sano ee soo socda lagu dhameystiro howlaha baaxadda leh ee na sugaya. Samir ayaa nagala rabaa, waxii macquul ah oo horumarka nagu sii hagayana aan si wadajir ah u uga wada howlgalno,” ayuu ra’iisul waasaruhu ku sheegay hadal uu kulankaas ka jeediyay.

Sidoo kale, C/weli oo ka hadlayay horumarka dowladda ayaa yiri. "Horumar ballaaran baan ka sameynay arrimaha gudaha, dibadda, dhanka maaliyadda iyo amniga, walow na-looga fadhiyo inaan dadaal fara badan oo dhanka amniga aan sameyno, maadaama amniga yahay tiirka iyo aasaaska horumarka. Dhammaan horumarka xiriirka caalamiga ah waxay naga rabaan inaan sii joogteyno oo kalsoonida ugu fiican ee aan caalamka siin karno ay tahay innagoo dalka amnigiisa hanana oo aan nabad ka dhigno dhammaan Soomaaliya oo dhan.”

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada oo iyaguna hadal ka jeediyay kulanka, iyagoo diiradda saaray dhamaystirka howlaha laga sugayo iyo in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah sannadka 2016-ka.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya