4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Hay’adda Zamzam Foundation oo Qabatay Xaflad loogu Dabaaldagayo Ciidda


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Hay’ada Zamzam Foundation ayaa maanta ku qabatay Muqdisho xaflad loogu dabaaldagayo munaasabadda ciidul-adxa oo dunida muslimka oo dhan looga dabaal-dagay maanta.

Xafladda oo si heer sare loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta waxbarashada Anadol ee ku taalla degmada Wadajr, taasoo ay ku sheegtay ha’yaddu inay ahayd mid ay ugu talo-gashay inay farxadda ciida kula wadaagto saaxiibadeed, sida bahda samafalka iyo kuwa ka shaqeeya horimarinta bulshada.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qaybgalay marti sharaf ka badan 200 oo qof oo isugu jiray mas’uuliyiinta hay’adaha, madaxda dowladda, dhakhaatiir, ganacsatada iyo marti sharaf kale. Iyadoo kasoo qaybgalayaasha xafladda oo u badnaa dad ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka Turki, Indooniisiya, Masar iyo Suudaan ay ka heleen barnaamijyada kala duwan ee xafladda lagu soo bandhigay.

Ugu horreyn, waxaa xafladda ka hadlay agaasimaha guud ee hay’adda Zamzam, Shuceeyb Cabdilatif oo marti sharafta kusoo dhaweeyay xafladda isla markaana ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda.

Xuseen Kabtan oo isaguna u hadlay hay’adda Turkiga ah ee IHH oo gacan-saar la leh hay’adda Zamzam Foundation ayaa sheegay in barnaamijyadii lagu soo bandhigay xafladda ay aad uga heleen, isagoo hadiyad ka timid Bursa, Turkiya guddoonsiiyey hoggaanka Zamzam.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, waxaa ka hadlay xafladda, Dr. Xasan Sh. Cali isagoo faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ay leedahay in loo dabaal-dago munaasabada ciidda, wuxuuna ugu hanbalyeeyay kasoo qayb-galayaasha iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Carafo.

Inta ay xafladdu socotay waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay marti sharaf badan oo ay ka mid ahaayeen, Dr. Ugur Gangoglu oo ah maamulaha guud ee isbitaalka cusub ee Turkiga ‘Somali-Turkish Hospital’ iyo Dr. Maxamed Al Ma’sarawe oo isna ah maamulka isbitaalka Masaarida ee Zamzam, iyagoo ka hadlay muhiimadda isbitaalladani u leeyihiin Soomaaliya.

Andhika Purbo oo ka yimid Indonesia, kana socday hay’adda ACT ayaa isna ka hadlay walaaltinimada ka dhaxaysa Indonisia iyo Somalia iyo hawsha ay la wadaan Zamzam. Ku-simaha agaasimaha guud ee OIC Maxamed Iidle Sabriye ayaa ka hadlay muhiimadda ay leeyihiin iskaashiga ururrada Islaamka ee samafalka ka shaqeeya.

Xildhibaan Sharif Maxamed Cabdullaahi oo isna hadlay ayaa aad ugu mahad-celiyay martida Turkiga ah, kana faalooday in booqashadii ra’iisal wasaarihii hore ee Turkiga, ahna madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu ku yimid Muqdisho ay u ahayd billowgii hurumarka Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee maamulka goblaka Banaadir, Amiin Sh. Cilmi oo ka faalooday kaalinta walaalaha dalka Turkiga ay ka qaateen horumarinta gobolka Banaadir, isagoo xusay inay wadaan sidii ay u horumarin lahaayeen dalka oo dhan.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda kusoo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Somalia fannaaniin madadaalada dadweynaha loo carbiyeeyay. Waxaana barnaamijyada lasoo ban-dhigay ka mid ahaa indha-sarcaad, taasoo aad uga yaabisay dhamaan kasoo qaybgalayaashii xafladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya