4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Dowladda Norway oo Haweeney Soomaaliyeed Siisay Abaalmarin Caalami ah


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Safiya Cabdi Xaase ayaa noqtay qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo ay xukuumadda Norway ku abaalmariso doorkeeda hawleed.

Safiyo ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta St. Olav, iyadoo ku heshay olole ballaaran oo ay u gashay ka hortagga gudniinka fircooniga ah ee dalka Soomaaliya. Waxaana billadan lagu guddoonsiiyay gurriga boqortooyada ee magaalada Oslo.

Billaddan ayaa waxay ka mid tahay billadaha ay bixiso boqortooyada dalka Norway, iyadoo la sheegay in Safiya ay ololahan bilawday kaddib markii ay dareentay dhibaatada uu gudniinkan u leeyahay dumarka, waxayna ka mid tahay haweenka Soomaaliyeed ee lgau sameeyay gudniinkan.

Safiyo ayaa la sheegay inay Soomaaliya ka baxday 1992-kii iyadoo dagtay dalka Norway, xilligaas oo ay la socdeen seddax gabadhood oo ay dhashay, wixii xilligaas ka dambeeyayna waxay ku noolayd dalkaas.

Mar ay wareysi siisay BBC-da ayay u sheegtay in ololaheedan uu yahay mid si toos ah uga dhashay waxay iyadu khibradda u leedahay oo ay yaraateedii lasoo kulantay, sida gabdhaha kale ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxay sheegtay in Soomaaliya intii ay ku noolayd aysan helin waxbarasho ku filan, balse markii ay Norway timid ay billowday waxbarasho, iyadoo billowday dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, iyadoo markaa kaddibna shahaado jaamacadeed ka qaadatay kulliyadda caafimaad.

Gudniinka fircooniga ah oo dagaal lagula jiro ayaa ka ah Soomaaliya kan ugu horreeya ee lagu sameeyo hablaha Soomaaliyeed, iyadoo ururrada arrimaha haweenka ka shaqeeya ay ka digaan in hablaha loo gudo qaabka fircooniga loo yaqaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya