4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2014
ABU-CABDALLA: Weligeen kama baxayno Baraawe Waana ku Dagaalamaynaa


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ee ee Al-shabaab, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo salaaddii ciidda kaddib khudbad ka jeediyay degmada Baraawe ayaa sheegay inaysan weligood ka baxayn degmada Baraawe oo ay ku dagaalami doonaan.

Abuu-Cabdalla ayaa sheegay in shacabka maanta isugu soo baxay Baraawe si ay u ciidaan ay aad uga yar yihiin intii hore, isagoo xusay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dadkii ka qixiyeen magaalada.

“Ujeeddada dagaallada ay ciidamada dowladda iyo AMISOM wadaan waa in loo shacabka Soomaaliyeed loo diido inay diintooda ku dhaqmaan, taasna waxaa tusaale u ah in shacabkii degmadan laga qixiyay magaaladooda,” ayuu yiri Abuu-Cabdalla.

Sidoo kale, Sheekh Abuu-Cabdalla ayaa intaas ku daray in maraakiibta badda dhooban iyo taangiyada lagu qixinayo shacabka masaakiinta ah, laakiinse iyagu ay joogayaan oo aysan weligood ka baxayn degmada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose.

“Magaaladaan iyo daafaheeda weligeen kama baxayno… waan ku dagaalami doonnaa… waana joogaynaa… waa guryaheennii… mana ogolaanayno cid nagu gumeysan kartana ma jirto. Waxaan qoriga u qaadnay inaan diinteena, dadkeenna iyo dhulkeenna difaacno, waana mid naga go’an,” ayuu Abuu-Cabdalla ku yiri khudbaddiisa.

Dadweynaha Baraawe ayuu iyagana ugu baaqay inay gacan ku siinayaan dagaalka ay ku jiraan, isagoo u digay qofkii biyo siiya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inay si la mid ah ciidmada kasoo horjeeda ay u beegsan doonaan.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad gacan ku siisaan walaalihiinna dagaalka ku jira sidii ay u difaaci lahaayeen shacabka magaaladan iyo diinta Islaamka, waxaana noo ballan ah inaan Kitaabka Alle loo gargaaro,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ee Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM isku diyaaranayaan weerar ay ku qaadaan degmada Baraawe oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya