4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Magaalada Kismaayo oo si weyn looga xusay munaasibadda ciidda [SAWIRRO]

Sabti, Oktoobar 05, 2014 (HOL) :- Iyadoo guud ahaan caalamka looga dabaaldegayo ciidda barakeeysan ee ciidul Adxa ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxa ay qeyb ka ahayd degmooyinka gobollada dalka Soomaaliya ee sida weyn looga xusay maalinta weyn ee ciidul Adxa.

Kumannaan dadweeyne ah ayaa salaaddii ciidda ku oogay garoonka kubadda cagta ee degmada Kismaayo halkaasoo ay shacabka kula tukadeen madax ka tirsan maamulka Jubba oo ay kamid ahaayeen, madaxweeyne kuxigeenka 1-aad mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubba Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish, gudoomiyaha gobolka, kan degmada iyo madax kale.

Inta aan la gelin salaadda ayaa waxaa halkaasi khudbad dheer ka jeediyay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxa uuna hambalyo ku aadan ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dadka reer Jubbaland.

Dhammaan madaxdii khudbadaha ka jeedisay munaasibadda ayaa si isku mid ah hambalyo ugu diray shacabka Soomaaliyeed iyagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan bash-bash iyo barwaaqo.

Dhinaca kale, madaxweeynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba, ayaa salaaddii ciidda ku oogay xarunta madaxtooyada Kismaayo, waxaana salaadda kadib uu madaxweeynuhu halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlay arimo kala duwan.

Madaxweeynaha ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxa uuna sheegay in ciiddan ay kusoo aaday xilli magaalada Kismaayo uu ka soconayo wejigii labaad ee shirweeynihii dib u heshiisiinta Jubooyinka, kaasoo uu xusay in maalinta berito la qorsheeynayo in lasoo gabagabeeyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in farxadda maalintan awgeed uu cafis u fidinayo maxaabiista danbiyada fudfudud loo heysto ee ku jirta xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo, isagoo ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaanada Jubooyinka in ay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka deegaanadooda.

Madaxweeynaha ayaa ugu danbeeyntii walaac ka muujiyay abaaraha ka jira gobollada Jubooyinka iyo Gedo, isagoo sheegay in loo baahanyahay in dadka ay aafeeyeen abaaraha si deg deg ah loogu soo gurmado.

Ciiddan ayaa siweyn looga xusay guud ahaan degmooyinka kala duwan ee Jubooyinka, iyadoo ciiddani ay tahay mid ay dadka kheyrka jecel uga faa’iideystaan sadaqo ay siiyaan dadka u baahan in la gar-gaaro.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya