4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Dadka degmada Gaalkacyo oo Maanta si weyn ugu soo baxay ciida (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo laga dareemayay jawi ka bedelen sidii hore, waxaana shacabku ay ku tukadeen goobo kala duwan.

Masaajidda Ramadaan iyo Abuu-Hurayra oo ka mid ah masaajidda waaweyn ee magaalada Gaalkacyo ayay dad fara badan ku tukadeen, iyadoo dadka intooda badan ay muujinayeen farxad ku aaddan maalinta Ciidul-Adxa.

Dadwayne fara badan ayaa sidoo kale lagu arkayaya waddooyinka waaweyn ee magaalada, kuwaasoo isugu jiray rag, dumar iyo carruur oo dhar qurxoon ku labisan, iyadoo dadku ay is-dhaafsanayeen salaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa; wasiirka waxbarashada Cali Xaaji Warsame, guddoomiyaha gobolka Mudug, Muxamed Yuusuf Tigey, duqa magaalada Gaalkacyo, C/casiis Muxamed Guuleed (Nugaal) iyo ku-xigeenkiisa, Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa dadweynaha magaalada kula tukaday masjidka Ramadaan.

Xubnahan ayaa ugu hambalyeeyay bulsho-waynta maalinta ciidda, iyagoo kula dardaarmay inay amnigooda ilaashadaan, ayna hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan sugidda amniga magaalada Gaalkacyo.

Dr. Aadan Maxamed Cigaal oo khudbad ka jeediyay masjidka Ramadaan ayaa dadweynaha kula dardaarmay in laga doonayo dadwaynaha Gaalkacyo ku nool inay midoobaan; kana hortagaan wax walba oo ka hor-imaanaya horumarkooda iyo amnigooda.

Ugu dambeyn, wuxuu ku boorriyay dadka inay amaankooda ilaashadaan kana fogaadaan wax walba oo qalqal-gelin kara, isagoo xusay in haddii aan la iskaashan aanay jirin wax suurogeli kara.

Si kasta ha ahaatee; dadwaynaha magaalada Gaalkacyo ayaa maanta si aad u weyn ugu dabaal-dagay munaasabadda Ciidul-Adxaa; iyada ay jiraan dad ka mid ah kuwa ku nool magaalada oo aan maanta ciidin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya